Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Sufuroow oo ku guuleestay in Heshiis Rasmi ah la kala dhaxdhigo beelo walalaaha ah oo ku dagaalnay Sohdinta gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa dib ugu laabtay magaalada Beledweyne.
Odayaasha dhaqanka beelaha Abgaal iyo Xawaadlle ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan uga mahadceliyay sida uu isugu xil qaamay Maalin iyo Waqtina uu u galshay in dagaalka la joojiyo beelaha Heshiis la kala dhaxdhigo.
Guddoomiye Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo fulinaya amarka Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa muddo 15 Maalin ka maqnaa howlahaasi nabadeynta ah waxuuna tagay degmada Jalalaqsi Ceel-barag iyo dhul beereedka lagu dagaalamay isaga oo halkaasi ku sugnaa illa heshiiska beelaha uu dhaco,si nabad loogu wada noolaado.
Guddoomiyaha ku suntay Nabadda iyo Horumarka ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow ayaa aad loogu amaanay sida uu dhexda ugu xertay soo afjaridda dagaal beeleedkaasi l, si loogu jaheesto dhabaha howlgalka ee Argagaxisada ka dhanka ah.