Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Muuse Salaad Weliye oo safar dhanka dhulka ah uga soo amba baxay magaalada Jowhar ee Caasimadda dowladda Hirshabelle ayaa goordhow soo gaaray magaalada Beledweyne.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka oo aay galbinayaan ku dhawaad 20 gaadiidka dagaalka ayaa degay Hoygiisa ku yaalla magaalada Beledweyne,waxaana sodhaweyn loogu sameeyay Beledweyne.
Isbadal amni dhaqaale arrimo bulsho daadajinta maamulka Dib-u-Heshiis IWM ayaa looga fadhiyaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo dadka siyaasadda falanqeeya ku warramayaan in magacaabistiisa kusoo aaday xilli aad loogu baahnaa.