(Beledweyne)Radiohalgan.com–
Gudoomiye kuxigeenkii hore Arrimaha Bulshada Degmada jalalqasi ee Gobolka Hiiraan Abuukar Maxamed Cali Gaabow ayaa si buuxada cudur daar iyo raaligalin u siiyay Gudoomiyahii hore Gobolka Hiiraan Cabdulaahi 85ks Maalin Sufurow, kadib markii u qeyb ka ahaay Abuukar Gaabow dadkii u ka shaqey wayay Gudoomiye Sufurow,
Abuukar Maxamed Cali Gaabow oo bartiisa Facebook qoraal kooban soo dhigay ayaa cafis iyo Raaligalin siiyay Gudoomiye Sufurow asigoo telefoonka ka wacay una cudur daaray kana codsay inu cafiya madaama u qeyb ka ahaay dadkii lugaha ku dhagay Markii xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan haayay.
Mudane Gaabow ayaa Gancastada iyo Qurba-joog ka codsay inay garabistaaga Gudoomiye Sufurow oo ah nin jecel dowladnimada islamarkaan laga caawiya waxyaabaha hada taagan aydoo loo maraya nidaamka dowladnimada ee heer state iyo federaal, sido kale Gancastada ayuu ugu baaqay inay qeyb qaatan waxkastoo lagu xalin karo arintaas