BELEDWEYENE:22:JUNE:2024
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan gudoomiyaha Degmadda Beledweyne Cumar Cismaan Calasoow Iyo madaxda waxbarashada heer gobal iyo heer Degmo ee gobalka hiiraan ayaa si rasmi ah u Daah-furay imtixaamka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee fasalka 12-aad.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa guul u rajeeyey guud ahaan ardayda sanad dugsiyeedka 2023-2024 Ineey guul ka soo hoyaan imtixaamka shahaadiga Ah ee Dugsiyadda sare ee dalka kaalmo wanaagsan aay hantaan ardayda reer Hiiraan.
Guud ahaan ardayda u farii’saneeyso imtixaamka Fasalka 12-aad dugsiyadda Sare ee Deeganadda Gobalka Hiiraan ee Sanad dugsiyeedka 2023 -2024 Ilaa 20 Xaruumood, oo ah arday gaareeyso (1837) kun Sideed boqol sodon todaba arday.,
1: BELEDWEYNE > 1391 Arday
2.BUULO-BURDE > 246 Arday
3.JALALAQSI > 91 Arday
4.Maxaas iyo Moqokori> 34 Arday
5.MATABAAN > 75 Arday Totall [1837]
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Mudane Muuse salaad wehliye ayaa u rajeeyey ardayda reer Hiiraan natiijo wanaagsan oo miro dhal leh iyo mustaqbal qurxoon.
Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu ahmiyada koowaad siinayaa hormarinta waxbarashada iyo Sarre u qaadida wacyiga dugsiyadda Waxbarashada Gobalka Hiiraan.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MAAMULKA GOBALKA HIIRAAN EE DOWLADA HIRSHABELLE.