Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo ku sugan wadanka Turkiga ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalkaasi Numan Kurtulmuş.
Kulanka ay yeesheyn labada Guddoomiye ayaa daba socdaa shirka 5-aad ee madasha baarlamaanada Qudus oo ka dhacay Magaaladaasi, kaas oo ay Soomaaliya ku mataleeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS iyo dhigiisa dalkaasi Turkiga ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga baarlamaanada labada wadan, in si deg deg ah loo bilaabo wada shaqeynta guddiyada saaxiibtinimada labada baarlamaan Iyo sidoo kale xorriyada Falastiin iyo xal ka gaaristeeda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay shirka 5-aad ee Baarlamaanka Al-Qudus oo si rasmi ah u furay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
Aadan Madoobe oo Khudbad ka jeediyay shirka Baarlamaanka Inter-Parliamentary Jerusalem Platform ayaa ka hor akhriyay in ka badan 157 xubnood oo ka kala socda 34 wadan oo ay ku jiraan kooxda saaxiibtinimada ee Turkiga iyo walaalaha reer Falastiin.