Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin Sufuroow oo aay wehliyaan xubno maamulka kamid ah ayaa boqolaal qoys u qeybiyay deeq Raashiin ah oo katimid ATMIS.
Qoysaska Raashiinka loo qeybiyay ayaa kamid ahaa dadkii sameynta ku yeelatay Fataahadda Wabiga Shabeelle ee Beledweyne,waxuuna qoys walba helay Raashiin Baco Bustayaal iyo agabyo kale.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo ka hadlay Munaasadda deeq qeybta ayaa u Mahadceliyay ATMIS iyo saraakiisha ciidamada Booliska ee Beledweyne oo suura galshay in qaab amni ah Raashiinkaasi lagu qeybiyo.
Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan ayaa lagu amaanay sida aay u maareynayaan gar-gaarka bulshada loogu talagalay waxaana taasi aay ku timid hoggaaminta wanaagsan ee guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin.