Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle oo aay wehliyaan guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasoow Mayarka Beledweyne Nadar Tabaax Maalin iyo xubno kale oo maamulka iyo bulshada kamid ah ayaa kulan qiimeyntii ugu horeysay ee dhismaha wadooyinka magaalada Beldweyne ka dhageysanay Howl wadeenada Mashruuca PIU maalgilinaayo Baanka aduunka.
Wadooyinkaan oo loo dhisaayo qaab casri ah ayaa si hordhac loogu soo bandhigay qiimeyntooda si loo dardar giliyo dhismaha.
Madaxda maamulka ayaa sheegay in ka maamul ahaan waqti iyo juhdi ku bixin doonaan sidii loo Fulin lahaa dhismaha wadooyinkaan oo qeyb weyn ka qaadan doono bilicda iyo isku socodka bulshada.
Ugu dambeyn madaxda maamulka ayaa u mahadcilinayaa Howl wadeenada Mashruuca PIU- Wold Bank, UNOPS iyo dhammaan inta ka qeyb qaadaneyso mashruuca, waxeeyna Bulshada reer Beledweyne ugu baqeen inay qeybtooda kaga aadan ka qaataan siduu mashruucaan waxtarka u leh Bulshada ufuli lahaa.