Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in xiriirka Dalka kala dhaxeeya Jamhuuriyadda Jabuuti uu yahay mid heerar kala duwan soo maray.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in marka la eego xornimadii labada dhinac, dib u dhiska Dowladda Soomaaliya iyo garab istaagga si ay uga soo gudubto waayihii adkaa ee Waddanka soo maray.
Isbaddel weyn ayuu tilmaamay in ay ku socoto jamhuuriyadda saddexaad ee Soomaaliya, waxyaabaha ka muuqda Caasimadda ee laga dhaxlay dagaallada sokeeye in si tartiib-tartiib ah looga baxay inta dhimana dhowaan laga gudbayo.
Jamhuuriyadda Jabuuti waxa ay noqotay walaal karti badan oo nagu garab istaagtay Dowlad dhiska burburkii kadib, Dowladda Soomaaliyeed maanta way dhisan tahay, Walaalaheen markii ay gobonnimada doonka ahaayeen looma kala harin, anaga oo burburnay ayay na gacan qabteen” Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS.
Hadalkaan waxa uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ka jeediyay kulan lagu Sagootinayay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho 4tii cisho u dambeysay.