Magaalada Kismaayo xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxaa maanta ka furmay shir gaar ah oo u dhaxeeya Guddoonka Golaha Shacabka, Guddiyada Joogtada ah & Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaas.
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir Guddoomiyay kulankaan waxaana uu mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed kula dardaarmay in ay xoojiyaan wadashaqaynta ka dhaxeysa & is dhaafsiga aqoontooda.
Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in loo baahan yahay kulamadaan oo kale si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Wakiillada Shacabka ay u yahaan isla markaana uwada shaqeeyaan Baarlamaanka heer federaal & heer Dowlad-Goboleed.
Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa bogaadiyay fadhigaan waxaana uu ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah u leh wadashaqaynta Hay’adaha xeer dejinta ee labada heer.