Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arimaha ciidamada deegaanka Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa kormeeray Madashada loo asteeyay in lagu qabto shirka beesha Cali Madaxweyne oo lagu wado in saacadaha soo aadan uu ka furmo degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Mudane Cali Jeyte Cismaan iyo masuuliyiinta la socday ayaa warbixin dhanka amniga ah ka dhageestay saraakiisha amniga ee gacanta ku haaya goobta shirka lagu qaban doono.
Shirweynaha beesha Cali Madaxweyne ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aaday uu ka furmo degmada Maxaas waxaana socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ew shirka.