Xasilinta magalada baladweyne
•Magalada Baladweyne oo ah Magaalo qadiimi ah ayaa maanta Wajaheysa xaalad amini daro oo aad u Bahasan iyo fikrado siyasaded oo isdiidan salkana ku haaya qaab dhismeedkii hore ee Maamulk Hirshabeele oo cabasho ka mujinayaan bulsho weynta reer Hiiraan .
• Magalada baladweyne waa Magaalo ku taal bar istiratiji ah dirisna la’ ah xaduud benaadka Dowladda itoobiya oo Ah cadawga umadda soomaaliyeed, Diidanna jiritaanka umadda soomaaliyeed oo mid ah, Dadaal adagna ugu jirta Sidii loo dhaawici lahaa midnimada umadda Soomaaliyeed .
• Ayada oo laga duulayo ilaalinta Amniga Qaran-ka Somalia Baladweyne wax ay u bahan tahay xasilooni siyaasadeed iyo mid amni taasina
Waxay ku immaan kartaa in ladhaqan giliyo qodobada hoos qoran .
Q: 1-aad
• Waa in Beledweyne lagu soo roggo xaalad degdeg ( Emergency ) mido seddax bilood ah sida uu ogolanayo Dastuurka ku meel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda federalka Somalia, Dowladda dhexe waa in ay Hormuud ka noqotaa hogaminta iyo dhaqan Gilinta xaladda ( Emergency )
Q: 2-aad
• Waa in macawisleyda la’ abaal Mariyo islamarkana qeyb ka Noqdan cidamada Gesiyasha ah ee Qalabka sida ee xogga dalka soomaaliyeed
Q: 3-aad
• Waa In dib loo dhaqan giliyo maxkamadaha Police ka iyo Cidamada NISA ee Dowlad Goboledka Hirshabelle.
Q: 4-aad
• Waa in maamulada ku abuurmay Fowdada iyo sifo an sharci aheyn laga saaraa magalada Baladweyn sida labada maamul ee kalla sheganaya Dowladda Hiiraan state
Q: 5-aad
• Waa In ay Hay’adaha samafalka gaar ahaan kuwa Maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ay Qeyb ka noqdaan xasilinta iyo Amniga, gacana ay ufidiyaan Shacabka ku wax yeeloobay Amini dararada magalada baladweyne.
Q: 6-aad
• Waa In Dhaqan-ka reer hiiraan ay Qaataan door koodda wacyi-gelineed iyo Nabadeynta Guud ahaan Gobolka Hiiraan kann fogaddan xaaladda kasta oo Amniga qalqal gelin karta.
Q: 7-aad
• Waa in Culumada waxgaradka dhalinyarada macalimiinta iyo Hawenka dhamaan inta Sameyinta togan ku leh Bulshadda ay la shaqeyan Dowladda dhexe Iyo dowlada Goboledka Hirshabelle si loo Xaqiijoyo amini iyo xasilooni warta.
Gabagabdii masuliyada aminiga Waa masuuliyad wadareed fardi Kasta waa in uu ka howl galaa
Qeybta kaga aadan, waxaan ku Soo khatimayaa xadiiska nabiga Caleyhi salaatu wasaalam .
والحديث الثالث: يقول ﷺ: كلكم راعٍ، وكلكم مسئولٌ عن رعيته، فالإمام راعٍ ومسئولٌ عن رعيته، والرجل راعٍ في أهل بيته ومسئولٌ عن رعيته، والمرأة راعية في بيت زوجها ومسئولةٌ عن رعيتها، والعبد راعٍ في مال سيده ومسئولٌ عن رعيته، ثم يقول ﷺ: ألا وكلكم راعٍ، وكلكم مسئولٌ عن رعيته، فالواجب على الرجل أن يُحسن الرعاية لأهل بيته، …
W/Q” Gudoomiye hore, Muumin Maxamed Xalane