Guddoomiyaha Xisbiga Daldhis Abdirahman Hussein Adow ayaa hambalyo ku aadan Bisha barakeysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta Caalamka, gaar Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ee addunka ka joogaan.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay is-cafiyaan kana faa’ideystaan bisha barakaysan, asoo ku booriyay in derisku ka warqabo xaaladda deriskooda xaaladooda nalololeed, asoo si gooniya ugu baaqay in dadka tabarta yar laga war qabo bisha Ramadaan.
Guddoomiyaha ayaa ugu dabeyn Allaah uga baryay Shacabka Soomaaliyeed in uu ka aqbalo camalka Ramadaanka, asoo si gooniya ugu duceeyay Shacabka Reer Falastiin in uu ka guuleeyo cadawgooda.
==== Dad Dalka U Siman ====