Guddoomiyaha gobolka ayaa warbixin ku aadan xaaladda amni gobolka sida la dagaalanka Argagaxisada IWM ka dhageestay saraakiisha
ATMIS iyo kuwa dowladda.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo adeegsanaya qibraddiisa ciidan madama sargaal ciidanyahay ayaa shaxda howlgalka iyo sugidda amniga siiyay saraakiisha dowladda iyo kuwa ATMIS waxuuna faray in is badal amni la yimaadaan
Waxaa xusid mudan in kulanka ku sugnaa Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin iyo masuuliyiin kale oo UN-ka ka tirsan, guddoomiyaha gobolka ayaa madaxda UN-ka ee Hirshabelle kala hadlay dhameestir-ka mashaariicda horumarinta ee gobolka Hiiraan loogu tala galay.
Ugu dambeyn Madaxa Xafiiska UN-ka ee Hirshabelle Benjamin iyo saraakiisha kulanka ku sugnaa ayaa sodhaweyay magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad wehliye waxa aayna ballan qaadeen in maamulka gobolka ka caawin doonaan sugidda amniga la dagaalanka Argagaxisada iyo fulinta mashaariic horumarin ah.