Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo madax ka socota Hay’addaha Qaramada Midoobay oo uu hoggaaminayay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Soomaaliya u qaablisan Qaramada Midoobay ahna madaxa isku duwidda xafiiska arrimaha bini’aadinnimo ayaa maanta si wadajir ah ugu dhawaaqay qiimeyn lagu samaynaayo saamayntii ka dhalatay roobabka El-nino ee dhammaadkii sanadkii tagay.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay in ku dhawaad 75 qof loo tababari doono diyaarinta iyo soo bandhigidda saamaynta ka dhalatay xaaladda El-nino oo ah roobab xooggan oo dalka ka da’ay dhammaadkii sanadkii tagay ee 2023-ka.
Shirka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa madax ka socotay Bangiga aduunka, Midowga Yurub iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Maalgashiga.