Kulanka ayaa isugu jiray isbarasho iyo sidii loo dar-dargelin lahaa howlaha shaqo ee isku-duwayaasha bulshada gobolka Hiiraan ayaa guddoomiyaha gobalka Hiiraan waxuu amaanay wax qabadka isku-duwayaasha gobolka Hiiraan, waxuuna dhanka kale faray in aay dar-dar geliyaan howsha shaqo oo aay hayaan.
Isku duwayaasha kulanka ka qeyb galay ayaa dhankooda amaanay sida dar-darta leh ee howlaha maamulka uu ku wado guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad wehliye, waxa aayne ballan qaadeen in laba jibaari doonaan shaqada aay hayaan.
Waxaa xusid mudan in madasha kulankaasi ku sugnaayeen Taliyaha qeybta booliska gobolka Kor. Isaaq Cali Cabdulle iyo madaxda Dhallinyarada iyo Haweenka gobolka Hiiraan.