Shirkaasi waxaa ka qey galay guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Mudane Xasan Ibraahim Cabdulle Taliyaha qeybta booliska gobolka Kor. Isaaq Cali Cabdulle iyo xubno kale oo maamulka kamid ah.
Sidii loogu gurman lahaa qoysaska fatahaadda Wabiga sameynta ku yeelatay qiimeynta fatahaad hor leh oo laga cabsi qabo iyo arrimaha amniga ayaa shirkaasi lagu falanqeeyay.
Guddoomiyaha gobolka ayaa warbixin ka dhageestay xubno maamulka kamid ah oo loo xilsaaray la socoshada qatarta Fatahaadda sida looga hortagi karo iyo haddii aay timaado qorshaha qoysaska barakaco gurmad lagu gaarsiin karo.