Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow Xog-haya ururka kubadda cagta Hassan Bille Hirshabelle ayaa soo xeray tartanka Ramadaan Cup oo ka socday muddo bil ah garoonka Jeyga ee dhaca Xaafadda Xaawo-Taako ee Beledweyne.
Tartankaasi oo aay ka qeyb galeen 20 koox waxaa qabtay Tababaraha Xaawo-Taako Axmed Daahar (Kaba-Dorog).
Cayaarta Finalka oo aay isku arkeen kooxaha Waaberi iyo Milaano ayaa bar-bar dhac ku dhammaatay waxaana Rigoorayaal Koobka ku qaatay kooxda Waaberi.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa markii uu koobka guddoonsiiyay kooxda Waaberi u hambalyeeya, waxuu u mahadceliyay guddiga dhallinyarada ah ee tartankaasi qabtay isaga oo ballan qaaday in maamulka gobolka Hiiraan uu qaban doono tartamo kubadda cagta si sare loogu qaato is dhaxgalka bulshada.
15-Sanno kaddib Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa noqday guddoomiyihii ugu horeeyay ee u istaagay is dhaxgalka bulshada iyo sare u qaadidda Sports- gobolka Hiiraan taasi oo Dhallinyarada ka caawin karta in aay joojiyaan Tahriibka iyo ku biirisay Argagaxisada.