Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) oo maanta dib Beledweyne ugu soo laabtay kaddib howlo shaqo oo Jowhar iyo Muqdisho u joogay dhowr cisho ayaa gilinkii dambe ee maanta u kuurgalay xaaladda amni ee Beledweyne.
Isku-duwaha Maaliyadda Gobolka Hiiraan Ciiloow Joobane saraakiil wasiirro hore oo Hirshabelle ka tirsan iyo madax kale ayaa qeyb ka aheyd kormeerka guddoomiyaha gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka ayaa saraakiisha amniga iyo qeybaha bulshada ka xog-wareestay amniga waxuuna saraakiisha amniga faray in aay adkeeyaan amniga si bisha Ramadaan dadka nabad ugu afuraan.
Dhinaca kale waxa aay tani fariin u direeysaa kooxo amni darro ka wada magaalada Beledweyne kuwaasi oo hugan magacyo kala duwan isla markaana bulshada u diidan dowladnimada kuna marin habaabiya wax aan jirin oo meelo kale laga soo min guuriyay.
Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa kormeerka kaddib dib ugu laabtay xaruunta Madaxtooyada Beledweyne oo gacanta maamulka Hirshabelle ku jirta.