Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufuroow) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira qeybaha kala duwan ee maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmooyin ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowladda Hirshabelle.
Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo madaxda la socotay sodhaweyn ugu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo madaxda kale ee maamulka ayaa Jowhar uga qeybgali doono shirweyne muhiim ah.