Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ee dowladda Hirshabelle Mudane Muuse Salaad Wehliye oo aay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Xasan Ibraahim Cabdulle guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow iyo taliyaha qeybta booliska gobolka Kor. Isaaq Cali Cabdulle ayaa kormeeray goobaha laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo wabiga shabeelle madama uu biloowday xilli roobeedkii Guga.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka iyo masuuliyiinta la socday ayaa booqday qoysaska ku jira Kaamamka ku yaalla Beledweyne si madaxda maamulka bulshada ula qeybsadaan sameynta ka dhalatay Roobab xalay ka da’ay Beledweyne.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Muuse Salaad Wehliye ayaa u ballan qaaday qoysaska barakacayaasha ah ee ku nool kaamamka Beledweyne in aay heli doonaan gurmad kasta oo qoysaskaasi u baahanyihiin,waxuuna ugu baaqay hay’adaha samafalka in aay gurmad la gaaraan qoysaskaasi.