Guddoomiyaha degmada Beledweyne Mudane Cumar Cismaan Calasoow ayaa maanta dalka Japan uga qeyb galay Tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan Horumarinta Maamulka Dowladaha Hoose ee Dib-u-dhiska dalka.
Tababarkaasi oo socon doono muddo labo isbuuc ah waxaa loo qabtay qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Maamul Goboledyada iyo Gobolka Banaadir guddoomiyaha degmada Beledweyne ayaa shirkaasi dhanka Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan ku matalaya.
Mudada uu socdo aqoon kororsigu waxaan lagu baran doonaa cahiro ku saabsan Horumarinta Dowladaha Hoose, Dhismaha bulshada oo ku salaysan wada shaqaynta dawladda iyo bulshada, sidoo kale guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Calasoow iyo madaxda la socota ayaa booqan doona goobaha taarikhiga ee Dalka Japan sida magaalada Hiroshima oo ah magalaadi ugu horeysay ee lagu dhuftay nuclear bomb iyo sida ay Dowladaha Hoose dalka Japaan ushaqeeyaan.
Ugu dambeyn guddoomiyaha degmada Beledweyne Cumar Cismaan Calasoow ayaa u mahadceliyay intii kasoo shaqeysay barnaamijkaan waxaan rajeeyay inaan wax badan kasoo baran doonaan Dowlada Japan oo ah mid kamid ah dalalka Horumaray.