Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa shir guddoomiyay shirka amniga gobolka Hiiraan.
Saraakiisha ciidamada qalabka sida sida Militeriga Nabad sugidda iyo Booliska ayaa shirkaasi ku sugnaa.
Wasiirka Ganacsiga Dowladda Hirshabelle Zakariye Khaalid Cabdi Jimcaale oo shalay soo gaaray Beledweyne ayaa kulankasi qeyb ka ahaa.
Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa warbixin ku aadan amniga gobolka sida dagaalka Argagaxisada la gula jiro iyo amniga Beledweyne ka dhageestay saraakiisha amniga gobolka.
Guddoomiyaha gobolka ayaa amaanay doorka naf hurnimo ee saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ,waxuuna guddoomiyaha faray saraakiishaasi muhiimadda aay leedahay labbo jibaaridda howlo shaqo ee qaranka u haayaan, waxuuna u ballan qaaday guddoomiyaha in maamulka gobolka Hiiraan kaalintiisa uu qaadan doono, isla markaana uu bilaaban doono isla xisaabtan dhab ah si xaaladda jirta wax looga badalo.
Saraakiisha amniga gobolka Hiiraan ayaa looga fadhiyaa in aay wax ka qabaan xaaladda amniga ee Beledweyne oo bulshada dhowr jeer cabasho ka keeneen.