Kulanka ayaa daarnaa sidii ayada oo mid layahay loola shaqeyn lahaa maamulka uu horkacayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ee Hirshabelle Muuse Salaad Wehliye.
Odayaasha Dhaqanka ayaa soo dhaweeyay magacaabista guddoomiye Muuse waxa aayna ballan qaadeen in aay naf iyo maal la garab taaganyihiin guddoomiyaha cusub.
Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye ayaa dhankiisa Odayaasha dhaqanka uga mahadceliyay Taageerada iyo garab istaaga u muujiyeen, waxuuna u ballan qaaday in uu la imaan doono wax qabad muuqda.