Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ย Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar uga ambabaxay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku wajahan dalka Jabuuti .
Safarka Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ahaa arrimaha ku saabsan xoojinta xiriirka, iskaashiga labada Baarlamaan, qibrad wadaagga iyo tababarrada uu la yeelan doonaa madaxda Jabuuti gaar ahaan guddoonka Baarlamaanka dalkaas.
Sidoo kale, Guddoomiye Cabdi Xaahi ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Dileita Mohamed Dileita, iyada oo inta halkaa ย joogo kulamo la yeelan doona madaxda dalkaasi.
Safarkaan Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ahaa mid uu si rasmi ah casuumaad uga helay dhiggiisa Baarlamaanka dalkaas.