Wafdi ka socda guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhoweeyay wafdiga guddiga doorashooyinka qaranka.
Xubnahan guddiga doorashooyinka qaranka ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa halkaasi u tagay dardar-gelinta doorashada qof iyo codka ah ee la filayo in dalka ay ka dhacdo.
Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa dhawaan shaaciyay jadwalka doorashada, iyagoo ku dhowaaqay inay furan tahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda.
Diiwaan-gelinta ururrada siyaadadda ayaa bilaabatay 20-kii Janaayo, iyadoo socon doonta illaa 31-ka Maarso 2025. Muddadaas ayuu guddiga sheegay in ururrada siyaasadda lagu siin doono shahaadada aqoonsiga ah, islamarkaana ay saxiixi doonaan shuruucda lasoo kordhiyay ee doorashooyinka.
Guddiga ayaa horey u sheegay inuu gaari doono goobo lasoo sahmiyay, si dadka halkaas ugu nool ay u helaan xuquuqdooda codeynta oo ay ku dooran karaan qofka ku metala siyaasadda si looga gudbo doorasho dadban.
Arrimahan ayaa imaanaya xilli dalka ay haatan ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo hannaanka doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan dowladda federaalka Soomaaliya, xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid maamullada dalka.