Faysal Rooble oo kamid ah Guddiga Difaaca Madaxbannaanida Soomaaliya ee uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowladda Itoobiya usoo jeediyay in ay joojiso Faragelinta ay ku hayaso Dalka.
Rooble ayaa sheegay in Itoobiya looga baahan yahay in ay xushmeyso ama ilaaliso derisnimada sidaas awgeed aan laga doonayn in ay meel iska dhigto xeerarka Caalamiga ah ee kahor imaanaya tallaabooyinka gurracan ay qaadayso.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya aanay gacmaha ka laaban doonin haddii xadgudubka Itoobiya ee xarga-goosadka ah sii kordha taasina waajib ku tahay in ay sameyso difaaca Dalka iyo Dadka sida uu hadalka u dhigay Faysal Rooble.
“Itoobiya darisnimada in aay ku xadgudubto lagama yeelaayo, Abiy waa in uu arrinta Soomaaliya uu Soomaalida u daayo kana laabto heshiiskii sharci darrada ahayd, haddii uu Soomaaliya iska soo galo dabcan Soomaalidu way is difaaci doontaa” Faysal Rooble oo xubin ka ah Guddiga Difaaca Dalka uu horay u magacaabay MW JFS.
Faysal Rooble ayaa intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada & wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya sidaasi awgeed aanay dhici doonin in ay dabac ka muujiyo mowqifkeeda sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkaan waxa uu Faysal Rooble ku sheegay Wareysi gaar ah uu siiyay Teleefishinka Universal waxaana uu kusoo celceliyay in Guddiga Difaaca Dalka uu doorkiisu yahay kahortagista damaca gurracan ee Itoobiya damacsan tahay.