Golaha Wasiirrada Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa kulan gaar ah ka yeeshay codayntii Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ku ansixiyay dib u eegistii lagu sameeyay 4ta cutub ee Dastuurka Dalka.
Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shir Guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in maamulkiisa uu diidan yahay go’aanka Baarlamaanka uu ugu codeeyay Dastuurka.
Halkaan ka aqriso qodobada kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirrada DG Puntland:
Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa horay u diidday qabyo-tirka Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka iyada oo ku baaqday in kulan wayne la isugu yimaado si looga tasho qodobada wax ka baddelka lagu samaynayo.