Dhibaatooyinka Xooggan ee loo gaysanayo Muslimiinta Itoobiya ayaa sii kordhayay sanadihii u dambeeyay, Golaha Sare ee Islaamka ee dalkaas ayaa walaac ka muujiyay weerarradaas foosha xun ee lagu beegsanayo.
Golaha Sare ee Islaamka Itoobiya ayaa ka qaylo dhaamiyay tallaabooyinka aanay u wanaagsanayn Muslimiinta Gobolka Amxaarada oo si aan kala sooc lahayn wadajir loogu beegsanayo Gobolkaas.
Weerarkii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Magaalada Bahir Dar halkaas oo Salaaddii Maqrib kaddib si naxariis darro ah loogu toogtay Dad aanay waxba galabsan waxaana intaas dheer dhacdooyin kale oo welwel culus dhaliyay.
Xukuumadda Abiy Ahmed oo ku guuldaraysatay dagaallada sokeeye ee dalkaas ka socda ayaa kordhisay beegsiga ay ku samaynayso qowmiyaha kala duwan ee go’aan diidan falalka gurracan uu ku samaynayo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa dhowr warbixinno kala duwan ay kasoo saareen xaaladaha ka jira Itoobiya waxaana ay sheegeen in dambiyo culus ay ka dhaceen Dalkaas loona baahan yahay in diiwaanka la geliyo si Abiy Ahmed lagula xisaabtamo.