Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 21-aad iyo 22-aad.
Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa, sii wadidda akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Shaqada Soomaaliyeed iyo khrinta 2aad ee Xeerka Tacliinta Sare ee dalka, iyadoo soo jeedin ka timid xubno ka tirsan Sanatarrada Golaha ay codsadeen in maanta la ansixiyo Sharciga xeerka shaqada Soomaaliyeed.
Marka hore, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Xeerka shaqada Soomaaliyeed, kaddib markii waqti yar la qaatay, lana sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo sharcigaas , iyada oo ay oggolaatay 28- Sanatar oo kulanka maanta soo xaadiray, halka aysan jirin diidmo iyo cid ka aamustay.
Dhanka kale, waxaa la guda galay akhrinta labadaad ee sharciga Tacliinta Sare oo uu Sanatarrada la wadaagay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Adeegga Bulshada Aqalka Sare Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, iyada oo Sanatarradu ay guda galeen doodda iyo soo jeedinta aragtidooda ku aaddan sharciga Tacliinta Sare ee dalka.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Cabdulqaadir oo kulanka goobjoog ahaa, ayaa su’aalaha Sanatarrada iyo soo jeedinnada ay qabeen ka jawaabay oo turxaan bixiyay.
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulanka soo xiray, ayaa bogaadiyay dooddii Sanatarradu ay ka dhiibteen sharciga Tacliinta Sare, wuxa uuna faray xubnaha Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare in ay soo qaabeeyaan soo jeedinta fikradaha Sanatarradu ay ka dhiibteen sharciga Tacliinta Sare ee dalka.