Hoggaamiyaha Maamulka SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Jabuuti ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Geelle ayaa ugu hambalyeeyey hogaamiye Firdhiye nabada iyo Horumarka ay ku naaloonayaan shacabka magaalada Laascaanood iyo guud ahaan degaanada SSC, wuxuuna ku booriyey iney adkeeyaan Nabada iyo horumarka.
SSC ayaa intii uu socday dagaalkii Laascaanood ku eedeysay Jabuuti iney hub iyo saanad ku taageerayeen ciidamadii Somaliland ee halkaas ka dagaalamayey.
Casuumadan Jabuuti u fidisay hogaamiyaha SSC ayaa ku soo aadeysa xili uu soo kordhayo khilaafka soo kala dhex galay Maamulka Somaliland iyo Jabuuti tan iyo markii Muuse Biixi uu heshiiska badda la galay maamulka Abiy Ahmed, iyadoo labada dhinac ay maalmo ka hor is dhaafsadeen eedeymo iyo ereyo kulul.
Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Maamulka SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Jabuuti kula kulmay Madaxda u sarraysa Ururka IGAD oo uu hoggaaminayey Xoghaye ku-xigeenka Sare ee IGAD Mudane Maxamed Cabdi Waare.
Hoggaamiyaha ayaa warbixin guud madaxda IGAD ka siiyey horumarka, Nabadda, Xasilloonida iyo Dawlad-dhiska Maamulka SSC-Khaatumo.
Madaxda IGAD ayaa dhankooda Hoggaamiyaha kala hadlay sidii geeska Afrika looga heli lahaa nabad waarta oo ku dhisan is qaddarin iyo deris-wanaag, iyo doorka uu ururku ka qaadan karo xal u helidda arrimaha geeska.
Hoggaamiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo diyaar u yihiin ka shaqaynta iyo horumarinta adeegyada bulshada, ka qayb qaadashada dawlad-hiska Soomaliya iyo sidoo kale nabad kula noolanshaha derisyada.
Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Hoggaamiyaha xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo La taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha.