Close Menu
    What's Hot

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024

      Daawo: XASAN Sheekh oo gaaray KENYA + Ujeedka

      April 11, 2024

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      Xog ka cusub hoggaamiye mucaaradka ITOOBIYA ka tirsanaa ee meydkiisa la helay

      April 11, 2024

      Hogaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay in wiilal looga dilay duqeyn cirka ah

      April 11, 2024

      Ayatollah Khamenei oo ku hanjabay in Iran ay ciqaabi doonto Israel kana hadlay Sababta

      April 10, 2024

      Itoobiya oo ku biireysa Urur ay horey Soomaaliya ugu biirtay iyo Kenya oo ka hadashay

      April 10, 2024

      Beeralayda Qaadka Miirowga ee dalka Kenya oo joojiyay dhoofinta Qaadka ee Soomaaliya

      April 9, 2024

      Dalka qaaradda Ameerika ku yaalla ee ay QM ka digeyso “inuu waddadii Soomaaliya cagta saaray”

      April 6, 2024

      Wax ka ogow dekadda dalka deriska la ah Soomaaliya ee ay ITOOBIYA u weecatay

      April 2, 2024

      Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

      January 23, 2026

      Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

      January 21, 2026

      MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

      January 21, 2026

      Daawo:-Sheekh Cabdi Casiis ” Culimada iyo Odayaasha Baladweyne Dadka Hortooda ayaa lagu laaynayaa” Xalka Magaalada oo Cabsi Cabsi ah!

      April 11, 2024
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Geedi oo qoraal kulul ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo

    Geedi oo qoraal kulul ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo

    By radiohalgan.comMarch 24, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa soo saaray qoraal dheer oo jawaab u ah diidmada ay madaxweynayaal hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ka muujiyeen wax ka beddelka dastuurka, iyo dadka doodda ka dhigtay maqnaanshaha Puntland. Hoos ka aqriso qoraalka Geedi.

    Is-hortaagga wax ka beddelka dastuurku, waa is-hortaagga horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed

    Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen in aan dastuurka la dhamaystiri karin inta ay maqan yihiin Puntland iyo Somaliland.

    Puntland iyo Somaliland ma maqna ee wakiilladii matalayay labada aqal ee baarlamaanka ayay dhex fadhiyaan oo ka shaqaynayaan; sidoo kale waxay ka mid yihiin golaha xukuumadda ee lagu jaangooyo siyaasadda qaranka. Mudane Shariif iyo Mudane Farmaajo waxay la hadlayaan mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaasna waxay xaqirayaan oo iska indhatirayaan in xildhibaannada iyo senatarradu ay matalaan shacabka iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed. Marka hore labada Madaxweyne waxaan kula talinayaa, waa xildhibaannee, in afkaartooda iyo aragtidooda ay baarlamaanka geeyaan. Midda kale, siyaasadi waa matalaad, madaxda dowlad-goboleedyaduna iyaga ayaa shacabkeenna u soo dooray wakiillada siyaasadda ee goleyaasha qaranka oo iyagu xaq u leh wax ka beddelka dastuurka. Inteenna kale ee siyaasiyiin ama waxgarad kale ah talooyin ayaan ku kordhin karnaa, go’aankase baarlamaanka ayaa iska leh.

    Musalsalkii wax ka beddelka Axdigii federaalka KMG ahaa:

    1) Axdi-qarameedkii federaalka ku meelgaarka ahaa ee baarlaamaankii 7aad ayaa ka beddelay qodobkii ku koobayay in xubnaha golaha wasiirrada laga dhex magacaabo baarlamaanka,  kaddib soo jeedintii shirweynihii ergadii saddexda kun (3,000) ee dib u heshiisiintii bulshada rayidka ah, Muqdisho 2007 uuna shirguddoomiyay AUN Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. Go’aankaas waa lagu caano maalay oo waxaa meel martay in la magacaabi karo wasiirro aqoonyahanno – waayo-aragyo ah oo aan xildhibaanno ahayn.

    2) Sannadkii 2012 markii dowladda laga saarayay kumeelgaanimada, dowladdii MW Shariif iyo ergooyinkii 825-kii xubnood ahaa ee shirweynahaasi waxay beddeleen muddo xileedkii dowladda ee 5ta sano oo ku qornaa Axdigii Federaalka KMG ahaa, waxayna u beddeleen muddo xileed 4 sano ah. Go’aankaas laguma faa’iidin oo wuxuu yareeyay muddada loo adeegayo shacabka Soomaaliyeed; sababtoo ah sannadka 1aad wuxuu ku dhamaadaa dowlad dhis ilaa xukuumad cusub, xilal kala wareejin iyo in maamulka cusubi uu la qabsato nidaamka shaqada iyo hawlaha la xiriira ee gudaha iyo dibedda; sannadka dambena waxaa qaata olole doorasho.

    Haddaba, sow ma habboonayn in aan la beddelin muddo xileedkii 5ta sano ahaa si bulshada loogu shaqeeyo saddex (3) sano ? Halka lagu soo koobay laba (2) sannadood ?

    3) Wax ka beddelka dastuurku waa waajib shaqo qaran oo saaran mudaneyaasha laba aqal ee baarlamaanka 11aad; halka is hortaagga siyaasiyiinta ay ugu horreeyaan labada Madaxweyne ee hore Shariif iyo Farmaajo uu yahay curyaaminta danta ummadda Soomaaliyeed iyo jiilalkeeda mustaqbalka. Cid laga yeelayo ma jirto shaqadii aan anigu qaban waayay ama dayacay, yaanay qabanin cid kale. Waa ayaan darro in 17 sannadood kaddib goob lala soo istaago dastuurka yaan la dhamaystirin iyadoo aan wada ognahay in musharrax madaxweyne kasta uu ku soo olaleeyay “haddii lay doorto, dastuurka waan dhamaystirayaa”. Ballanqaadkani ma waxaa laga dhiganayay jaranjaro lagu koro kursiga talada dalka kaddibna layska tuuro?

    Haddii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ka dhabeeyay ballanqaadkii ololihiisii doorashada, ma lugaha ayaa la qabanayaa?

    Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeedow garo dantaada oo ku taageer baarlamaanka ku matala gudashada waajibkiisa dastuuriga ah, ilaalinta dantaada iyo qaranimada Soomaaliyeed guud ahaan.

    W/Q: Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026

    MADAXWEYNAHA DOWLADDA HIRSHABEELLE OO SAXIIXAY SHARCIGA DAKHLIGA IYO XEER-NIDAAMIYEYAASHIISA.

    January 21, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Farmaajo oo ka hadlay dagaalkii ka dhacay Kudhaa.

    January 23, 2026

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Hirshabeelle ayaa magaalada Jowhar ka daah-furtay

    January 23, 2026

    Trump oo ka noqday hanjabaaddii canshuuraha ee la xiriirtay Greenland

    January 21, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.