Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Garsooraha Soomaaliga ah ee shalay wax ka gaaray go’aankii ay Israa’iil ka carootay ee maxkamadda ICJ

    Garsooraha Soomaaliga ah ee shalay wax ka gaaray go’aankii ay Israa’iil ka carootay ee maxkamadda ICJ

    By radiohalgan.comJanuary 27, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo ICJ, shalay go’aan ka soo saartay dhagaysigii dacwadda ay soo gudbisay Koonfur Afrika, iyada oo ku amartay Israa’iil inay qaado dhamaan talaabooyinka lagu joojinayo falalka xasuuqaa ee Qasa.

    Maxkamada ayaa sidoo kale amartay in Israa’iil fasaxdo gargaarka bini’aadanimo ee dadka Qasa balse maxkamadu kuma amrin joojinta dagaalka.

    Hadaba garsoorayaasha 17 ka ah ee maxkmada caalamiga ah ee ICJ ee go’aanka ka gaaray arrintaan, ayaa waxaa kamid ah Cabdulqawi Axmed oo ka soo jeeda Soomaaliya, isaga oo u codeeyay Falastiin.

    Dadka Soomaaliyeed qaar ee Soomaaliyeed oo ka falceiyay go’aanka maxkamadda ayaa ku amaanay Cabdulqawi sida uu codkiisa ugu hiilayay Falastiin.

    Inta badan dadka qoraalada ku daabacay baraha bulshada ayaa sheegay inay ku farxeen, kuna faanayaan Cabdulqawi.

    Waa kuma Cabdulqawi Axmed Yuusuf?

    Cabdulqawi Axmed Yuusuf – waa xubin ka tirsan garsoorayaasha maxkamadda ICJ, isaga oo xilka madaxwaynaha maxkamadda ICJ ka degay bishii February ee sannadkii 2021, sida lagu daabacay bogga ICJ.

    Ka hor inta uusan xilka madaxweynaha qaban waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay hay’adaha caalamiga ah iyo ururada caalamiga ah ee Vienna, Geneva iyo New York. Sida laga soo xigtay machadka Genava Graduate Institute.

    Cabdulqawi ayaa horey waxaa uu la taliye dhanka sharciga ah uga soo noqday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNESCO and UNIDO . Dalalka uu wax ku soo bartay waxaa ka mid ah Soomaaliya, halkaasi oo sidoo kale uu bare ka noqday Jaamacaddii Umadda.

    Dr. Cabdiqawi, waxaa uu xubin ka ahaa garsoorayaasha maxkamadda tan iyo 2009-kii, isaga oo madaxweyne ku-xigeen ahaa tan iyo 6 February 2015-kii.

    Cabdulqawi Axmed Yuusuf wuxuu rabay inuu noqdo dhakhtar. Nasiib darro, ma jirin xilligaasi Muqdisho dugsiyo lagu barto caafimaadka, taasoo keentay inuu halkiisa ka qaato shahaado dhanka sharciga ah. Sida lagu daabacay Geneva Graduate School.

    Garsoore Cabdiqawi waxaa uu ku dhashay degmada Eyl ee gobolka Nugaal ee Soomaaliya bishii September 12 keedii, 1948-dii, waxaa uu wax ku bartay Jaamacadda umadda sanadkii1973, sidoo kale wuxuu ku biiray Hague Academy of International Law sanadkii 1974. Jaamacadda University of Florence, Italy ayaa sidoo kale la sheegay inuu waxbarashadiisa qayb kamid ah ku qaatay sanadihii 1976-1977.

    Wuxuu ka mid ahaa 15 garsoore oo go’aan ka gaaray go’aankii dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

    Wuxuu ka mid ahaa 15 garsoore oo go’aan ka gaaray go’aankii dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

    XIGASHADA SAWIRKA,ICJQoraalka sawirka,

    Wuxuu ka mid ahaa 15 garsoore oo go’aan ka gaaray go’aankii dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

    Ka hor go’aankaas Kenya ayaa ku eedeysay inuu horey Soomaaliya u soo mateley, ayna ka soo horjeedaan inuu ka mid noqdo garsooreyaasha go’aanka ka gaaraya kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

    Bayaan ay markaas soo sartay wasaarada arrimaha dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in Kenya ay u aragto in maxkamada aysan ahayn mid si xaq ah u qaadaysa kiiska muranka badda.

    Dowoladda Kenya waxay dhanka kale ku dooday in garsoore Cabdulqawi uu horey Soomaaliya ugu matalay shirkii caalamiga ahaa ee Qaramada Midoobey ee looga hadlayay arrimaha shuruucda badda.

    Waa garsoorihii Soomaaliyeed ee ugu horeeyey ee darajo illaa heerkaas ah ka gaara heyadaha cadaalada ee caalamiga ah.

    Cabdulqawi ayaa ah aasaasaha iyo tifaftiraha African Yearbook of International Law

    Waxa uu wax badan ka qoray badan sharciga caalamiga ah, wuxuuna haystaa haystaa shahaadada PhD oo ka diyaariyay Sharciga caalamiga ah ee IUHEI, Geneva.

    Wuxuu barre dhinaca sharciga ah ka ahaa jaamacadii Umadda ee magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay sanadihii 1974-1980 , kadibna wuxuu macalin ka noqday Jaamacadda Geneva, Sida ay Jaamacaddu Boggeeda ku daabacday.

    Waxa uu ahaa wakiilkii Soomaaliya u fadhiyay shirweynihii saddexaad ee Qarammada Midoobay ee sharciga badaha (1975-1981).

    Wuxuu sidoo kale ka mid ahaa Ergadii Soomaaliyeed ee Guddiga La-tashiga Sharciga ee Afro-Asian (1975 iyo 1976).

    Dhanka kale wuxuu Xubin ka ahaa wafdi Soomaaliyeed oo ka qeyb galay shir madaxeedkii Ururka Midowga Afrika ee (1974).

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.