Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah Duubabka dhaqanka Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa sheegay in la dacwaynayo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sabab la xiriirta dhibaatooyinkii ka dhacay Gobolka Sool.
Garaadka ayaa sheegay in la diiwaangelinayo Dadkii dhintay ee gaaraya 800 oo ruux, kuwii dhaawacmay, hantidii ku burburtay & dhammaan waxyeelladii ay gaysteen ciidamada ka amar-qaata Muuse Biixi Cabdi ee Sool laga gacan-maroojiyay.
“Maamulka Muuse Biixi waxaa in loo dacwaynayaa dhimashadii Dadka gaaraya 800 oo ruux, Waa aynu diiwaangelinaa dadka dhaawacmay, goobta ay ku geeriyoodeen & xiliga ay waxgaareen loona sameeyo xarun iyo taallo lagu xardhayo magacyada oo dhan” Ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali
Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii uu Laascaanood kacdoonka ka billaabay Garaad Jaamac Garaad Cali isaga oo kusoo caan-baxay “Gala Dagaal” waxaana Maxaabiis, Goobo & Hub laga qabsaday Ciidanka Somaliland ee halkaas ka dagaalamay Febaraayo 2023.
Mustaqbal