Ganacsatada Khaadka Kenya ayaa sheegay in ay dacwad ka gudbinayaan Maamullada Kalifi & Mombasa oo goleyaashoodu mamnuucay Jaadkii loo iibgaynayay deegaannada ismaamulladaas kana soosaaray sharci diidaya ama hor istaagaya.
Maalmihii lasoo dhaafay wax Khaad ah lama gayn Labadaan Ismaamul waxaana dhaqangalay go’aanka sharciga ah ee Goleyaasha labadaas Maamul ee Kalifi iyo Mombasa oo dadka qaar ay soo dhaweeyeen tallaabadaas.
Qaar kamid ah Ganacsatada Khaadka Kenya ayaa ku dooday in boorahooda laga soo guro Jaadka balse aanay jirin suuqyadii Mombasa & Kalifi taasina ay hoos u dhac wayn ku keentay dakhligii kasoo geli jiray marka ay halkaas u iibgeeyaan.
Waxa ay ku goodiyeen in ay dacwad la tiigsan doonnaan si ay dib ugu helaan ‘Xuquuqda’ ka maqan oo ah in dib loogu fasaxo suuqyadii Khaadka ay u iibgaynayeen ee Ismamullada Mombasa iyo Kalifi sida ay ku doodeen.
Xubno katirsan Goleyaasha mamnuucay Khaadka ayaa sheegay in meelo badan ay ka eegeen kahor inta aysan qaadan go’aankaan sharciga noqonaya waxaana ay ku doodeen in isbaddel wayn uu dhinac weliba ah uu haatan ka jiro goobihii laga joojiyay Jaadka.