Kulan looga hadlayay xoojinta Amniga Gobalka Mudug oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka kala socday maamulada Puntland, Galmudug iyo guddiyada odiyaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.
Kulan ayaa looga hadlay nabadeynta gobalka Mudug, gaar ahaa Gaalkacyo iyo sidoo loo xallin lahaa arrimaha taagan.
Sidoo kale, odiyaasaha dhaqanka oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in laga heshiiyo dhacdooyiinkii u dambeeyay iyo nabadeyntooda, iyaga tilmaamamay gobalka Mudug gaar ahaan Gaalkacyo colaadahii ay soo martay, carrabkana ku adkeeyay in muhiim tahay nabadda.
Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta labada maamul ayaa ka warbixiyay amniga gobolka Mudug, iyaga oo soo bandhigay sida ay isaga kaashan karaan sidii sare loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta iyo wadaagida xogaha.
Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan ay dhacdooyin amniga lid ku ah iyo isku dhacyo ay ka dhaceen magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada hoos yimaada.