Waxa lagu jiraa bilihii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka iyada oo tartamada kala duwan maryaaan meelo xiiso iyo xamaasad leh.
Inkasta oo uuna haatan furnayn suuqa kala iibsiga hadana kooxaha ayaa indha-idhaynaya suuqa waxana ay qiimaynayaan xiddigaha kala duwan.
Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.
Darwin Nunez, Dominik Szoboszlai iyo Ryan Gravenberch ayaa ka mid ah xiddigaha Liverpool ee ka cadhooday ka tagistii Jurgen Klopp ee kooxda iyaga oo aaminsan in la marin habaabiyay markii ay u saxiixeen Reds (FootballTransfers).
Saraakiisha Manchester United ayaa todobaadyadii la soo dhaafay sare u qaadayay raadinta ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benfica Joao Neves, xilli ay isku diyaarinayaan inay dalab ka gudbiyaan xagaaga (O Jogo).
Manchester City ayaa diyaarinaysa dalab ku dhow 80 milyan oo euro si ay ula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace Eberechi Eze (Fichajes).
Liverpool, Tottenham Hotspur iyo AC Milan ayaa ka mid ah kooxaha doonaya daafaca dhexe ee Fulham Tosin Adarabioyo, kaasoo qarka u saaran in loo soo bandhigo fursad uu qandaraaska ugu kordhiyo ka hor inta uusan qandaraaskiisa haatan dhicin xagaaga (Standard).
Daafaca kale ee Premier League, 21-jir Murillo ee Nottingham Forest, ayaa xiiso ka helaya Arsenal, Chelsea iyo Liverpool (Mail).
Chelsea ayaa wali hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhen kaas oo qiimihiisu yahay 111 milyan oo euro Paris Saint-Germain ayaa sidoo kale dooneysa 25 jirkaan (Calciomercato).
Iyadoo ay jirto walaac laga qabo qiimaha Osimhen, Chelsea ayaa sidoo kale isha ku haysa weeraryahanka Inter Lautaro Martinez, kaasoo ku sii dhawaanaya labadii sano ee ugu dambeysay qandaraaskiisa oo aan weli saxiixin heshiis kordhin (HITC).
Barcelona ayaa baadi goobaysa qaabkii ay hoos ugu dhigi lahayd qiimaha 60-ka milyan ee ay Everton ku qiimayso xiddiga khadka dhexe ee Amadou Onana waxayna diyaar u tahay in ay u soo bandhigto xiddigo ay ka mid yihiin Ansu Fati, Fermin Lopez, Clement Lenglet ama Sergino Dest (SPORT).
Tottenham ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee Conor Gallagher oo 24 jir ah kaas oo uu heshiiskiisu dhacayo 2025 (Teamtalk).
Tottenham ayaa sidoo kale xiiseyneysa garabka Barcelona iyo Brazil Raphinha, oo 27 jir ah, kaasoo mustaqbalkiisa kooxda La Liga uusan cadeyn (Sport).
Arsenal,Chelsea iyo Manchester United ayaa xiiseynaya 21-jirka Shakhtar Donetsk ee khadka dhexe uga ciyaara Ukrain Georgiy Sudakov, kaasoo lagu qiimeeyo 100m euros (Teamtalk).
Liverpool ayaa laga yaabaa inay sameyso isku day seddexaad oo ay kula soo saxiixaneyso 25 jirka daafaca uga ciyaara kooxda Bournemouth Lloyd Kelly (Liverpool Echo).
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Kobbie Mainoo, 18, ayaa ku dhow inuu qandaraas cusub u saxiixo Red Devils (HITC).
Bayern Munich ayaa laga yaabaa inay u weecanto Jose Mourinho, oo shaqo la’aan ah ka dib markii laga ceyriyay Roma, si uu u bedelo Thomas Tuchel oo baxay haddii ay awoodi waayaan inay gacanta ku dhigaan bartilmaameedka sare ee Xabi Alonso (Mirror).
Tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham Antonio Conte ayaa sidoo kale waxaa dooneysa Bayern Munich (La Repubblica).
Arsenal ayaa qarka u saaran inay qandaraas cusub ka saxiixdo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Italy Jorginho, oo 32 jir ah (Football Insider