Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

      September 11, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Gabdhihii Chibok oo 10 sano kadib weli la la’yahay

    Gabdhihii Chibok oo 10 sano kadib weli la la’yahay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 13, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Bishii April 2014, magaalada waqooyi-bari Nigeria ku taalla ee Chibok ayaa dunida caan ka noqotay kadib markii la afudubtay 276 gabdho iskuulley ah isla markaana baraha bulshada aad loogu ololeeyay in gabdhahaas lasoo celiyo.

    Toban sano kadib, khatarta kooxaha rabshadda wada ayaa weli saameyn ku leh nolosha dad badan oo magaalada ku nool.

    Iyadoo ilmada iska tireysa, Esther Yakubu ayaa dib u goconeysa sida noloshu u adag tahay iyadoo aysan la joogin gabadheeda Dorcas.

    ”Waxaa laga joogaa 10 sano tan iyo inta gabadheyda ay afduubka u heystaan Boko Haram. Weligeed xaaladdu ma fududaan. Dadka waxay dhahaan iska illow, maaddaama aan heysto carruur kale, balse marka aan keli ahay, waan ka fekeraa.”

    Aragtida alaabta Dorcas ee guriga ayaa si joogto ah usoo celisa xusuuso xanuun badan umana saamaxdo inay tiiraanyadu ka ba’do. Esther ayaa go’aansatay inay alaabtaas iska tuurto, marka laga reebo sawirro dhowr ah.

    ”Dhammaan alaabteeda waxaan siiyay dad ku nool meel ka baxsan Chibok si aysan agteyda u oollin. Ma aan dooneyn uun inaan arko.”

    Habeenkii 14 April 2014, kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram ayaa 76 gabdho iskuulley ah ka afduubtay iskuul xannaano oo ku yaallay magaaladan oo aan markaa sidaa loo aqoon.

    Afduubka ayaa sababay olole caalami ah oo baraha bulshada laga bilaabay waxaana ololahan ka qeyb qaatay marwadii koowaad ee hore ee Mareykanka Michelle Obama, iyo gabadha abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobel heysata Malala Yusufzai, iyo dad kaloo caan ah.

     

    Toban sano kadib, gabdho badan ayaa ama laoso badbaadiyay amaba ay u suurto gashay inay baxsadaan. Si kastaba, 87 ka mid ah 276-gabdho ayaa weli afdub loo heystaa. Dorcas waxay ka mid tahay kuwaas la la’yahay waxayna keliya jirtay 16 sano xilligii la afduubanayay.

    Hooyadeed Esther, hubanti la’aanta xaaladda gabadheeda ayaa u suurto gelin waayay inay illowdo. ”Waxaan ka doonayaa dowladda inay gabdhaheenna xoreyso ayna gurigooda kusoo laabtaan. Waxaan dooneynaa inaan nolol ku aragno si aan ugu yaraan u faraxno. Kuwaan nooleynna, aan ogaanno si aan uga samirno.”

    Esther wax war rasmi ah kama helin halka gabadheeda lagu hayo, balse waxay kasoo muuqatay muuqaal lagu caddeynayay inay nool yihiin oo ay kooxdu sii deysay sanadkii 2016. Muuqaalkaas, Dorcas ayaa isku magacowday Maida, oo ah mid cusub oo ay kooxdu u bixiyeen.

    ”Haddii ay Dorcas i maqli lahayd hadda, waxaan u sheegi lahaa inaan noolahay magaalada Chibok-na ay weli jirto, si ay u gasho xamaasadda inay usoo laabato aragtideenna.”

    Nigeria

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Malala Yousafzai ayaa la kulantay waaliddiinta gabdhaha Chibok. (July 13, 2014)

    Tegidda Chibok

    In sheekadan laga soo tebiyo meel miyi ah oo ka tirsan waqooyi-bari Nigeria qudheeda waa safar dheer oo raf ah. Waddada Chibok waxay ka bilaabaneysaa gobolka deriska la ah ee Adamawa. Waa safar dheer oo la marayo dhul qallalan oo bannaan.

    Waxaan sii marnay birta telecom oo jabtay. Qofkii na hagayay ayaa inoo sheegay in looga shakisan yahay in Boko Haram ay soo rideen si ay qalqal u geliyaan isgaarsiinta.

    Kooxda ayaa weli saameyn ku leh magaalada.

    Waxaan sii marnay dhowr bar-kontarool militari kahor inta aynaan gaarin halkaan u soconnay.

    Chibok qudheeda waa magaalo ay militari badan joogaan. Ciidamada ayaa labo bar-kontarool dheeraad ah ka sameeyay iyo sidoo kalena bandow adag oo habeenkii ah.

    Nigeria

    Dadaallo socda

    Caasimadda Abuja waxaan kula kulannay Senator Muhammad Ali Ndume oo ah xildhibaan kaoso jeeda gobolka Borno, oo Chibok ay ka tirsan tahay, wuxuuna xubin ka yahay xisbiga APC.

    ”Dowladda ayaa wax ka qabaneysa wayna ka walaacsna tahay,” ayuu yiri. “Waxaan ka codsan doonaa waaliddiinta inay dulqaadka sii wadaan iyo ducada inay gabdhahooda soo laaban doonaan.”

    Wuxuu sheegay in bixinta madax-furasho uu dhiibay maamulkii hore, markii in ka badan 100 gabdho reer Chibok ah la sii daayay kadib wada-hadal lala galay, ay xaaladda kasii dartay.

    ”Ilaah unbaa garanaya inta lacag la bixiyay. Waxaan u maleynayaa markaas bay dadku aamineen haddii aad qof kaxaysato, waxada heleysaa lacag badan.

    ”Taasi waxay ahayd khalad albaabka u furay sida ay xaaladda maanta tahay.”

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    DEG DEG Khilaaf diblomaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tanzania, kadib

    September 11, 2025

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.