Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Gabadhan Soomaaliyeed ee caanka ah ee heshay Cabdigii ay ku maansoon jirtay

    Gabadhan Soomaaliyeed ee caanka ah ee heshay Cabdigii ay ku maansoon jirtay

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 13, 20243 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Ayaan Axmed Caydiid, oo ku magac dheer Ayaan-kaaba, waa abwaanad caan ah oo aad ku barateen maansooyinkeedii taxanaha ahaa, jacaylka iyo madadaalada ahaa ee aadka ugu dhex faafay Soomaali idilkeed.

    Silsiladaha maanseed ee hirgalay ee Kaaba billowday, oo marar kala duwan warbixinno ay ka samaysay BBC du ayaa waxa ka mid ahaa middii la magac-baxday IPHONE, tii kale ee WARDA XAASHI NINKEEDA, iyo qaar kale oo badan.

    Kaaba ayaa sidoo kale samaysay maansooyin tiro badan oo ay ku baafinayso calafkeeda mustaqbalka, iyada oo marba ku xusaysa deegaan ka mida kuwa soomaalida oo ay ka dhex goobayso cidda ay nolosha la wadaagi lahayd. Ujeedada ay ka lahayd ayaa ahayd iska madadaalo.

    Haddaba tixahaas magaca lamaanaha ay raadinayso ayay marar dhowr ah maansadeeda ugu yeedhay magaca Cabdi. Tixahaas ayaa waxa ka mid aha amid ay ku tidhi:

    Inta magac cuddoonee

    Cajiibee wanaag badan

    Cid kastaana leedahay

    Cabdi baan u jecelahay

    Ayaan iyo odageeda

    XIGASHADA SAWIRKA,AYAAN KAABA

    Ayaan Axmed Caydiid Ayaan-kaaba ayaa barteeda Facebook laba maalmood ka hor oo ahayd maalinkii iidda waxa ay soo dhigtay sawirro ay ka soo qaadday saddex post oo ay hore u soo dhigtay barteeda facebuug saddex sanno oo kala duwan.

    Saddexda post ayaa ahaa saddexduba kuwo maalmo ciideed ay soo qortay oo ay kula hadlayso calafkeeda mustaqbalka oo xilligaa aanay isba aqoon.

    Saddexda postiba isku hal magac ayay calafkaas ugu yeedhay, waana Magaca Cabdi.

    Agoosto 10, 2019 kii oo imika laga joogo 5 sano ayay soo qortay posti sidan u dhignaa ‘‘Muddaan kali ciidayee kumee Cabdigaygiiyow”.

    Misna sannadkii kaa xigay oo ahayd, May 22, 2020 kii oo ahayd maalin ciid ah oo iminka laga joogo afar sannadood ayay barteeda facebuuga ku soo qortay weedhahan hoose oo la mid ah kuwii sannadkii hore uun. ‘‘Muddaan kali ciidayee kumee Cabdigaygiiyow‘‘.

    Isla sannadkii kaas midkii ku sii xigay maalin ciid ahayd ayay haddana ku celisay oo ay soo qortay hadal sidii oo kale u dhigan, oo magaca Cabdi uun ay ku baddashay ‘Calaf’. Weedhahaas ayaa iyaguna u qornaa cayn kan ‘‘Muddaan kali ciidayee kumee calafkaygiiyoow‘‘.

    Ayaan iy odageeda

    XIGASHADA SAWIRKA,AYAAN KAABA

    Haddaba waxa yaab leh in dalka maraykanka oo ay dhawaan u guurtay Ayaan, ayna halkaa isku barteen iskuna guursadeen wiil magaciisa layiraahdo Cabdi, waa magacii ay sannaddo badan saadaalinaysay, sugaysay, kuna maansoonaysay iyada oo xitaa aqoon.

    Ayaan iyo saygeeda ayaa meherkoodu dhacay dhowr bilood uun ka hor oo ahayd 12 Nov ee sannadkii 2023.

    Wariyaha BBC Siddiiq Burmad ayaa maalintii labaad ee ciidda la hadlay ka dib postiyadii ay soo dhigtay, waxaanu waydiiyay muddadaa dheer ee sannadaha ah ee macaga Cabdi ay maansooyinkeeda ku soo qaadanaysay, iyadoo ku tilmaamaysa calafkeeda mustaqbalka, in ay saygeeda hadda guursaday is yaqaaneen?

    ‘‘Maya, laakiin magaca Cabdi ayaan waligayba iska jeclaa‘‘

    Ayaan oo sii sharaxaysa iyada iyo magaca Cabdi xidhiidhka ka dhexeeya ayaa tidhi

    ‘‘In aan magacaa iska jeclaa waligayba ka sokow, magaca Cabdi suugaantu way qaban ogtahay, oo waa magaca carrabka bulshada iskaga fudud, sugaantana u sahlan inuu hal qabsi u noqdo. Markaa waxa aan dhihi karaa, magaca Cabdi aniga oo jecel ayaa Cabdina yimi oo ilaahay ayaa isku beegay”.

    Ayaan oo aannu waydiinay, ‘‘haddii iidihii hore qoraallada aad soo baahinaysay ahaayeen, muddaan kali ciidayee, kumee Cabdi gaygiiyoow, ciiddan maxaad odhanaysaa‘‘ ayaa ku jawaabtay

    ‘‘Muddaan kali ciidayee, caawaba Cabdigaygiibaan, farxadda la cawaynayaa‘‘.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.