Wararka ka imaanay deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Shabeellada Dhexe, ayaa waxaa gaaray qeyb kamid saraakiisha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida; iyaga oo halkaas kula hadlay Ciidamada Xoogga Dalka.
Gaashaanle Maxamed Amiin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kula hadlay degmada Ceelbaraf; isaga oo uga digay in ay milmin daagaallada qabiilka salka ku haya.
Dowladda Soomaaliya dagaallaadan qabiilka ee soo noqnoqda waxa uu kaga daran yihiin dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab”. ayuu yiri, Gaashaanle Maxamed Amiin
Sidoo kale, waxa uu gaashaanlaha carrab ku adkeeyay in ay soo qabtaan maleeshiyaadkii lixda askari ku dilay degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabeellada Dhexe.
“Maxkamaddu waxa ay ciidamada fareysaa dadkii dilay askartii Soomaaliyeed in ay soo qabtaan, waxa ayna maxkamadda u jartay waaran soo qabasho ah”. ayuu yiri, Gaashaanle Maxamed Amiin.
Saraakiishaan ka socotay maxkamadda Ciidamada qalabka sida, tagistooda ayaa ku soo aadeyso xilli weli la aasin ciidamadii lagu dilay degmada Ceelbaraf ee gobalka Shabeellada Dhexe.