Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

      October 21, 2025

      Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

      October 21, 2025

      DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

      October 16, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Fowziya oo jawaab soo saartay kadib buuqii ka dhashay hadalkeeda

    Fowziya oo jawaab soo saartay kadib buuqii ka dhashay hadalkeeda

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comJune 22, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Xildhibaan Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo qoraal kooban ku daabacday barteeda Twitter-ka ayaa jawaab ka bixisay buuq ka dhashay hadal ay dhowaan jeedisay, xilli ay ka hadleysay damaceeda ku aadan kursiga Midowgaa Afrika.

    Fowziya ayaa xilligaas ka dhawaajisay hadal aysan siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin badan ku dhiiran, kaas oo ku saabsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

    Xildhibaanadda oo deegaan doorashadeedu tahay Gobollada Waqooyi, ayaa shaacisay in mas’uuliyiinta maamulka Somaliland aysan xaqiiqda ka hadlin marka ay ka hadlayaan Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo ifisay in mas’uuliyiinta Somaliland ay marin habaabiyaan shacabka oo xaqiiqda aysan ka hadlin marka soo hadal qaadayaan Soomaaliya, iyadoo kafishtay in xiriir wada shaqeyn ay ka dhaxeyso wasaaraddaha Somaliia iyo Somaliland oo ay iska war qabaan.

    Mar kale oo ay soo jawaabtay ayaa sharraxaad ka bixisay ujeedkeeda iyo damaca kaga jiro kursiga ay u sharraxan tahay ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

    Sidoo kale waxa ay sheegtay in dadka qaar ay ku eedeeyeen inay la safaneyso Somaliland, kuwa kale ay sheegeen inay u shaqeyneyso Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaamtay inayba meesha oolin, shaqada xilkan aysan queseyn go’aamo noocaas oo kale ah.

    “Waxan Ummadda Somaliyeed Meel ay joogaanba uga mahad naqayaa sida weyn ee ay ii garab istaageen. Qadiyadani waa qadiyad Somaliyeed iyo magaca Iyo maamuus.  Nasiib darro dad aan badnayn ayaan fahmin qadiyaddan, kuwaas oo qaarna igu eedaynayaan Somaliland ayay goynaysaa, qaar kalena leeyihiin Somalia ayay u shaqaynaysaa Somaliland ayay ka horjeeddaa” ayay ku tiri warsaxaafadeedka ay soo saartay.

    Xildhibaan Fawziya ayaa sidoo kale intaasi ku dartay in Midowga Afrika uu ka shaqeeya kaliya mideynta dalalka qaaradda Afrika iyo horumarinteeda.

    “Waxaa ogaataan kursigaasi ma aha mid go’aanada noocaasi u yaallaan . Wuxuu ku shaqeeyaa amar kasoo baxa Shirka Madaxweynayaasha. Midda kale qodobada tartankuba waa midaynta Afrika oo dhan iyo horumarinteeda. Somali magaceeda iyo jiritaankeeda ayaan isu taagay” ayay mar kale tiri Xildhibaan Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan.

    Haweeneydan oo horay usoo noqotay ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa haatan la kulantay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, kaas oo ku aadan inay ka tanaasusho kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika.

    Ugu dambeyn Fowziya ayaa iska diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ay si cad ugu yiraahdeen “iskaaga har tartanka, una tanaasul musharraxa Jabuuti ay wadato”.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Duqeyn culus oo ka dhacday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

    October 21, 2025

    Khasaare ka dhashay shil tareen oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    October 21, 2025

    DEG DEG Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir gudoomiyaya kulnak Golaha Wasiirada

    October 16, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.