Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya
Wafdiga Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo ah Sabti u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.
Wafdigan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, kana qeybgeili doonaa wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaasoo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga.
Wadahadalkan ayaa lagu wadaa in uu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024, kaasoo seddex todobaad horey looga soo dhigey waqtigii hore ee lagu ballansanaa.
Kulamadan ayaa looga hadlayaa Sidii meesha looga saari lahaa heshiiska Itoobiya la gashay Somaliland ee la isku dhaafsanayo dhul badeed iyo aqoonsi kaasoo ay ka carootay DF Somalia, rajo badana lagama qabo in wadahahadan ay ka soo baxaan wax natiijo ah.