Close Menu
    What's Hot

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐑𝐚𝐑𝐚 π–πžπžπ«πšπ«π€πš 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐀𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐒𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 π₯𝐚𝐬𝐨𝐨 π›πšπ§ππ‘π’π πšπ²

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

      February 23, 2026

      Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

      February 22, 2026

      DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

      February 22, 2026

      Saciid Deni oo Ku Baaqay In Doorasho Degdeg ah Laga Qabto Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed

      February 22, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home Β» Farxaddii arooska ee murugada isku beddeshay iyo saygii oo BBC la hadlay

    Farxaddii arooska ee murugada isku beddeshay iyo saygii oo BBC la hadlay

    By radiohalgan.comJanuary 16, 20245 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Fiiro gaar ah: Sheekadan waxay xambaarsan tahay tiiraanyo iyo naxdin.

    Waa dhacdo aad u xanuun badan, ayna yar yihiin dadka la kulma qaddartan oo kale. Allaha u naxariistee Aasiya Cabdi ayaa geerideeda si weyn loogu baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto ka dib geeri xanuun badan oo ku timid iyada iyo xubno ka tirsan qoyskeeda.

    Aasiya waxa ay ku nooleyd magaalada Doolow ee gobolka Gedo, ka dib muddo badan oo ay xiriir wadaag ahaayeen wiil lagu magacaabo Maxamed Xasan Khaliif waxa ay ugu dambeyn ku heshiiyeen guur.

    Asiya oo maalmo fasax ah ku tagtay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxa ay dib ugu soo noqotay Doolow, halkaa oo uu meherkoodii si habsami leh uga dhacay.

    23-kii bishii aynu ka soo gudubnay ee Diseembar ayuu dhacay arooskoodii, hase yeeshee xilligaasi wixii ka dambeeyay waxaa farxaddii guurka hareysay murugo iyo tacsi waa saddex toddobaad gudahood.

    Isla maalmihii guurkooda uu dhacay waxaa geeriyootay Aasiya ayeydeed, waxaana halkaa ka dhacday tacsi sababtay in ay soo gaabtaan maalmihii dabaal degga ee arooska.

    Tacsida kadib Aasiya iyo seygeeda waxa ay ku heshiyeen in ay soo baxdo oo ay timaado Nairobi, waxa ay soo gaartay Ismaamulka Mandera halkaas oo loogu diyaariyay tigidkii ay diyaaradda kusoo raaci lahayd si ay Nairobi oo gurigii looga kireeyay ay u timaaddo.

    Maxamed Khaliif oo ah seyga Aasiya ah waxa uu xilligii uu meherka dhacayay ku sugnaa dalka Koonfurta Sudan oo ah halkaas oo uu ka shaqeeyo, adeerradiis ayaana dhameeyay howsha guurka iyo doonista gabadha waxaana ay ku ballameen in ay Nairobi timaaddo si ay ugu aqal galaan.

    Maxamed oo BBC-da u warramay ayaa yiri, β€œAnigu waxa aan kaga soo hormaray Nairobi si aan aqalkii noogu diyaariyo, gabadha waxaa safarka la soo gashay habaryarteed oo dooneysay in ay Nairobi Keento, balse wixii intaa ka dambeeyay musiibo ayaa dhacday.

    Diyaaraddii ay subixii kasoo raaci lahaayeen Mandera ayaa loo sheegay in ay dib u dhacday iyadoo maalmahaas ay diyaaraduhu hakad galeen, waxa ay go’aansadeen in ay gaari soo raacaan, hase yeeshee amar Alle ayaa dhexda ku helay oo shil ayey galeen”.

    Magaalada Garissa oo ay nabad ku yimaadeen markii ay ka soo baxeen ayuu shilku dhacay oo xitaa markii hore gaarigii ayaa cillad ku timid markaa Maxamed iyo Aasiyo way wada hadleen si farxadi ku jirto maadaama ay dareemayeen in is aragoodu uu dhow yahay.

    Maxamed ayaa sheegay in ay gabadha habaryarteed oo lagu magacaabayay Faadumo ay shilkaasi ku naf weyday Aasiyana uu soo gaaray dhaawac daran.

    Maxamed ma uusan jecleyn in Aasiya iyo habaryarteed ay ku soo safraan gaari maadama ay waddadu dheereyd safarkuna uu khatar badnaa, wuxuu isku dayay in uu ku qanciyo in ay diyaaradaha sugaan, hase yeeshee markii dambe waxaa la’isku af gartay in safar dhulka ah la soo galo.

    β€œMarkii iigu dambeysay waxaan isla hadleynay in kabadan 30 daqiiqo oo ay taagnaayeen meel uu gaarigu kaga cilladoobay, markii uu u hagaagay ayey soo bexeen oo aan is macsalaameynay, 12 daqiiqo kadib waxaa i soo wacday gabar saaxiibteed ah oo Iyana safarka ku wehlineysay oo aad u ooyeysa waxana ay ii sheegtay in ay qaddari dhacday”, ayuu yiri Maxamed Khaliif.

    Waxa uu sheegay in ay gabadhii ku war gelisay in habaryar Faadumo ay xaaladeedu aad u adag tahay Aasiyana ay gacan ka go’day isla markaana aysan wax gurmad ah heysan.

    Garissa ayaa dib loogu celiyay si halkaa loogu dabiibo xaaladooda.

    Saacad kadib ayaa lasoo sheegay geerida habaryar Faadumo, waxaana Nairobi loola soo cararay Aasiya.

    Markii habaryar ay geeriyootay waxaan Maxamed iyo dadkii kale ay xoogga saareen in Aasiyo loo soo qaado Nairobi si loola tacaalo xaaladeeda.

    β€œDhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in gabadha uu maskaxda dhiig uga furmay isla markaana loo baahan yahay in qalliin deg deg ah lagu sameeyo, intaa ka dibna qalliinkii ayaa lagu guuleystay, ka dib ayaa naloo sheegay haddana in maskaxda iyo wadnaha gabadha aysan wada shaqeyneyn oo xaalad culus ay gashay markale”, ayuu yiri Maxamed.

    Waxa uu codsaday in loo fasaxo in uu gudaha ugu galo qolka ay ka jiiftay isbitaalka isagoo tilmaamay in habeenkii oo dhan uu dul taagnaa marka gacanta saaro meel ka mida jirkeedana uu ka dareemayay qabow badan.

    β€œSubixii ayaa dhakhtarku noo yimid, waxa uu xoogaa ka dib noo sheegay in gabadhu ay xaaladeeda sii cuslaaneyso, xogaa uu gudaha ku jiray ka dibna waa uu noo yimid waxana uu nagu war geliyay akhbaarka geerideeda”, ayuu yiri Maxamed Xasan Khaliif.

    Maxamed waxa uu sidoo kale sheegay in geerida ayeeyadeed oo ay aad u jecleed ay Aasiya ku abuurtay murug badan, isla markaana ay wakhti ku qaadatay in uu dejiyo ama samirsiiyo.

    Waxa uu ku ammaanay in ay ahayd gabar af gaaban oo aqlaal badan, isla markaana uu u duceynayo.

    Waxa uu sheegay in uu hilmaami waayay hadal ay ku tiri ka hor inta aysan soo gelin safarka dhulka ah ee ay shilka ku galeen.

    β€œWaxa ay igu tiri waan ogahay in aadan jecleyn safar dhulka ah mana rabo in aan sameeyo wax aadan raalli ka ahayn, laakiin niyada ii fur, anigana waxa aan ku iri wan ku fasaxay waana idiin duceeyay ee Allaha idin nabad keeno”, ayuu sii raaciyay Maxamed.

    Shalay ayaa Aasiya lagu aasay magalaada Nairobi oo ugu dambeyn ay ku geeriyootay.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    War Degdeg ah: Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo lagu xiray Buuloburte.

    February 23, 2026

    Kadib markii labaad ee uu fashilmay wadahaladii hogaanka dowladda Soomaaliya iyo xubnaha golaha Mustaqbalka

    February 22, 2026

    DEG DEG:-Shirkii Dowlada iyo Mucaaradka oo fashilmay iyo

    February 22, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.