Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war-saxafaadeed ka soo saaray dagaal culus oo belaha Mareexaan iyo Dir ku dhexmaraya inta u dhaxeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.
Farmaajo ayaa baaq nabadeed ka soo saaray dagaalkaas, isagoo ku tilmaamay “murugo iyo nasiib darro aan indhaha laga qarsan karin” isagoo beelaha dagaalamaya xusuusiyey inay yihiin “ehel iyo walaalo wada dhashay.”
Sidoo kale Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dadka reer Galgaduud uu ka tilmaamay bulshada Soomaaliyeed maanta looga baahnaa inay iskaashadaan, balse nasiib darro ay dib ugu noqdeen dagaaladii sokeeye.
Farmaajo ayaa ku baaqay in loo istaago joojinta colaada ka soo cusboonaatay gobolka, wuxuuna dowladda federaalka xusuusiyey inay masuuliyadi ka saran tahay “badqabka iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.”
Hoos ka aqriso bayaanka uu Farmaajo ka soo saaray colaadda Galgaduud:
Colaadda sokeeye ee sanadahan danbe ku soo noqnoqonaya gobolka Galguduud waa murugo iyo nasiib darro aan indhaha laga qarsan karin.
Reer Galguduud, waxaad tihiin ehel iyo walaalo wada dhashay oo maanta laga sugayey in ay iska kaashadaan horumarinta deegaankooda, lana tartamaan gobollada Soomaaliyeed ee u jihaystay nabadda, wadajir iyo dhismaha kaabeyaasha nolasha.
Aqoonyahanka deegaanka, waxgaradka, odeyaasha dhaqanka gobolka iyo Galmudug oo idil waxaan ku boorrinayaa in loo istaago dagaalkaas macno darrada ah, wiil iyo gabar danbane aysan nooga dhiman.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay saaran tahay masuuliyadda badqabka iyo ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay mudnaan siiso nabadda, xasilloonida iyo dib u heshiisiinta deegaannada muddadan ay ka soo cusboonaadeen colaadaha sokeeye ee gobollada dalka.
ILAAH HA INOO NABADEEYO DALKEENNA