Maalin kadib dibu soo laabashadii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo caawa waxaa kulan gaar ah yeeshay Farmaajo iyo Sheekh Shariif.
Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa tagay hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
‘Waxaan caawa hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.
Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran.
Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda.