Close Menu
    What's Hot

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026

      Itoobiya oo Eritrea ku Eedeysay qabsashada dhul iyo taageeridda Fallaagada

      February 8, 2026

      Maxay tahay xogta laga dhadhansaday beeninta DFS ee in ay xanibtay Shirkada Diyaaradaha Arkia?

      January 31, 2026

      𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐈𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐥𝐚𝐬𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲

      January 31, 2026

      Trump oo shaaciyay in ciidan badan uu u diray Iran.

      January 28, 2026

      DEG-DEG: Dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa qalinka ku duugay heshiis is-afgarad .

      February 16, 2026

      Itoobiya oo Xero Qarsoodi ah u dhisaysa Ciidamada RSF ee Suudaan ka dagaalama

      February 10, 2026

      TPLF ayaa ku eedeysay dowladda federaalka Itoobiya inay isku diyaarinayso Hawlgalo horleh.

      February 10, 2026

      DEG DEG Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in

      January 31, 2026

      Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

      February 24, 2026

      Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

      February 24, 2026

      DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

      February 24, 2026

      Ra’iisul Wasaare hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa cambaareeyay afduubka iyo xadgudubka loo geystay wariye Cabdixafiid

      February 24, 2026
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    Home » Fanaaniinta iyo xiisadda badda ee ka dhex taagan Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland

    Fanaaniinta iyo xiisadda badda ee ka dhex taagan Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland

    By radiohalgan.comApril 6, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    3 Saacadood ka hor

    Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhowr bilood ka hor kala saxiixday heshiis is-afgarad Itoobiya u saamaxaya in ay saldhig ciidan iyo deked ka dhisato xeebaha Somaliland, taa beddelkeedana Somaliland ay aqoonsato.

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso rabitaankeedii ahaa helitaanka dhul badeed.

    Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa baahiyey codka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca Somaliland ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya marka la saxiixo heshiiska, inkatsoo aanu sheegin goorta la saxiixayo.

    Tallaabadaasi waxaa si weyn uga hor timid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo arrintaasi ay dhalisay xiisad si weyn loo hadal hayo.

    Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo sidoo kale maamulka Puntland.

     

    Muranka badda

    XIGASHADA SAWIRKA,EBC

    Qoraalka sawirka,Abiy Axmed iyo Muuse Biixi

    Qunsuliyaddaha la xiray waxay ku yaallaan Garoowe iyo Hargaysa. Sidoo kalana dowladda federalka ayaa u yeeratay safiirkeedi ka joogay Addis Ababa.

    Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasararadda arrimaha dibadda Soomaliya.

    Iyadoo ka jawaabaysa go’aanka Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya ay sheegtay inaysan wax war ah ka hayn arrintan oo markii ugu horreysay si rasmi ah uu u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

    Hase yeeshee Puntland iyo Somaliland labadaba waxay si cad u sheegeen in ay ka madax bannaanyihiin go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in wada shaqeyntooda Itoobiya ay halkeeda kasii socon doonto, qunsuliyaduhuna ay furnaan doonaan.

    Saameynta fanka iyo muranka badda

    Muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu soo guurguurto isla markaana uu soo maro marxalado kala duwan hadda waxa uu muran hor leh ka dhex billowday fanka Soomaalida iyo xitaa Itoobiya.

    Fanaanka Sharmaake Cabdinaasir, loona garan og yahay Sharma Boy, waxa ku caan yahay heesaha kuwa loo yaqaanno ‘Raabka’, kadib go’aankii Puntland ee ahaa in ay si caadi ah u sii wadaneyso wadashaqeynteeda Itoobiya, waxaa barihiisa bulshada ugu daatay taageerayaal badan oo ku qasbay in uu ka soo hadlo arrintan, waliba uu soo dhinac istaago maamulka uu kasoo jeedo ee Puntland.

    Muranka badda

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Hase yeeshee Sharma oo kasoo jawaabay ayaa yiri, “Reer Puntland-ow xaaladda dejiya oo is qaboojiya, aniga waan idiin sheegay marka ay taagan tahay qadiyadda badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya waa daruuri in aan ka hadlo, siyaasadda dhex taallo Xasan sheekh iyo reer Puntland waa gooni, laakin aniga bannaanka ayaan taaganahay dagaal kale ayaan ku jiraa.

    “Maskaxdiina wax ka dhaadhiciya oo fahma, waxa aan ku jiraa dagaal qaran, markii aan dagaal qaran ku jiro madaxweynaha markaas talada haya waa in aan geeyo darajo sare oo aan ku faano, taasna waa waajib i saaran, marka siyaasadda Puntland iyo Xasan Sheekh ka dhaxaysa aniga dhex-dhexaad ayaan ka ahay”, ayuu yiri Sharma boy.

    Waxa uu sheegay in uu yahay fannaan Soomaaliyeed, markii laga hadlayo arrinta baddana aysan muhiim ahayn in dadku ay gorgortan ka galaan.

    Sharma boy waxa uu soo qaaday hees hal-ku dhiggeedu uu yahay, ‘Lafti nagaa hanoo dhiibin’ isaga oo kala jeeda dal kale yaan gacanta naloo gelin, waxa uuna sheegay in haatan uu soo qaaday qaybtii labaad ee heestaas.

    Fanaan kale oo reer Itoobiyaan ah oo la yiraahdo Shiqirqir ayaa isna ka soo jawaabay heesta Sharma boy ee Lafti nagaa isagoo heestaas ku difaacayey dalkiisa.

    Ninkan lagu magacaabo Shiqirqir ayaa heestiisa la sheegay in uu dalkiisa ku difaacday isaga oo sharma boy si toos ah ugu jawaabay.

    Muranka badda

    XIGASHADA SAWIRKA,DYAX DALNURSHE

    Qoraalka sawirka,Dayax iyo Jawaabtiisa bandhiggii Hargeysa

    Dhinaca kale fanaanka reer Muqdisho ee Dayax Dalnuurshe ayaa baajiyay bandhig faneed uu ku lahaa magaalada Hargeysa maalmaha ciidda.

    Dayax ayaa hore bartiisa Facebook kusoo qoray ‘Baddeenu iib maaha’ iyadoo qoraalkaas uu hadal heyn badan dhaliyay labada dhinacba.

    Ugu dambeyn baraha bulshada waxaa mar kale ka dhacay dagaal qabow oo dhex maray dhallinta reer Muqdisho iyo reer Hargeysa, taas oo sababtay in Dayax Dalnuurshe uu bandhig faneed kale ka dhegsaday Muqdisho.

    “Wax raalli gelin ah kama bixin doono in aan baajiyay showgeygii Somaliland, hase yeeshee xushmad ayaan u hayaa dad i jecel anna aan jecelahayna wey joogaan, laakiin sababta aan u diiday in aan raalli gelin bixiyo ayaa waxa ay tahay in aanan qadiyadda Soomaaliyeed dhex dhexaad ka noqon karin maadaama ay awooweyaasheey u soo dagaallameen dhulkaan”, ayuu yiri Dayax dalnuurshe.

    Muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo bilo ah soo jiitmayay iyada oo ugu dambeyn uu ku sii faafay qaybaha kale ee bulshada iyo fankaba, laakinse fanaaniinta Somaliland weli sooma aysan dhex galin muranka badda.

    BBC SOMALI XIGSHO

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Add A Comment

    Comments are closed.

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Your source for the serious news. This demo is crafted specifically to exhibit the use of the theme as a news site. Visit our main page for more demos.

    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Top Insights

    Wasiir Fiqi ayaa weerar culus ku qaaday Golaha Mustaqbalka

    February 24, 2026

    Muqdisho – Wariye Cabdixafiid Nuur Bare, oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable, ayaa xalay laga kaxeeyay Degmada Waaberi

    February 24, 2026

    DEGDEG: Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Rooble, ayaa si adag u cambaareeyay xarigga wariye

    February 24, 2026
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Radio Halgan. Designed by Talvo Technology.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.