Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025

      Nuxrka khudbadda uu madaxwane Xasan Sheekh ka jeediyay shirka ururka jaamacadda carabta.

      May 18, 2025

      Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo dagaalka AS kala hadlay dhigiisa dalka Ciraaq

      May 18, 2025

      Weeraro aay fuliyeen ciidammadda Ruushka oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira

      May 17, 2025

      Maxay Soomaaliya ka baran kartaa Ciraaq oo ay isku xaalad iyo dagaal sokeeye soo wada mareen?

      May 17, 2025

      Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania , Ilyaas Xasan, ayaa maanta magaaladda Dar es Salaam kula kulmay Xoghayaha jooogtada ah ee Wasaarada Arrimah Dibadda Tanzania u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika , Danjire

      May 12, 2025

      Mayarka Magaalada Beledweyne Nadar Tabaax  ayaa saxiixday Mashruuca dhismaha wadda Laamiga ee Beledweyne.

      May 12, 2025

      In ka badan 100 oo ku dhintay daadad ka dhacay bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo

      May 11, 2025

      DEG DEG Madaweyne Traoré oo qaaday talaabo kale oo cajiib ah

      May 6, 2025

      Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

      May 23, 2025

      Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

      May 23, 2025

      Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

      May 23, 2025

      Ruushka iyo Ukriane oo is dhaafsaday boqolaal maxaabiis ah

      May 23, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Fanaaniinta iyo xiisadda badda ee ka dhex taagan Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland

    Fanaaniinta iyo xiisadda badda ee ka dhex taagan Itoobiya, Soomaaliya iyo Somaliland

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comApril 6, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    3 Saacadood ka hor

    Itoobiya iyo Somaliland ayaa dhowr bilood ka hor kala saxiixday heshiis is-afgarad Itoobiya u saamaxaya in ay saldhig ciidan iyo deked ka dhisato xeebaha Somaliland, taa beddelkeedana Somaliland ay aqoonsato.

    Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso rabitaankeedii ahaa helitaanka dhul badeed.

    Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa baahiyey codka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca Somaliland ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya marka la saxiixo heshiiska, inkatsoo aanu sheegin goorta la saxiixayo.

    Tallaabadaasi waxaa si weyn uga hor timid dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyadoo arrintaasi ay dhalisay xiisad si weyn loo hadal hayo.

    Maalmihii lasoo dhaafay waxaa soo baxayay warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo sidoo kale maamulka Puntland.

     

    Muranka badda

    XIGASHADA SAWIRKA,EBC

    Qoraalka sawirka,Abiy Axmed iyo Muuse Biixi

    Qunsuliyaddaha la xiray waxay ku yaallaan Garoowe iyo Hargaysa. Sidoo kalana dowladda federalka ayaa u yeeratay safiirkeedi ka joogay Addis Ababa.

    Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasararadda arrimaha dibadda Soomaliya.

    Iyadoo ka jawaabaysa go’aanka Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya ay sheegtay inaysan wax war ah ka hayn arrintan oo markii ugu horreysay si rasmi ah uu u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

    Hase yeeshee Puntland iyo Somaliland labadaba waxay si cad u sheegeen in ay ka madax bannaanyihiin go’aanka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo caddeeyay in wada shaqeyntooda Itoobiya ay halkeeda kasii socon doonto, qunsuliyaduhuna ay furnaan doonaan.

    Saameynta fanka iyo muranka badda

    Muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu soo guurguurto isla markaana uu soo maro marxalado kala duwan hadda waxa uu muran hor leh ka dhex billowday fanka Soomaalida iyo xitaa Itoobiya.

    Fanaanka Sharmaake Cabdinaasir, loona garan og yahay Sharma Boy, waxa ku caan yahay heesaha kuwa loo yaqaanno ‘Raabka’, kadib go’aankii Puntland ee ahaa in ay si caadi ah u sii wadaneyso wadashaqeynteeda Itoobiya, waxaa barihiisa bulshada ugu daatay taageerayaal badan oo ku qasbay in uu ka soo hadlo arrintan, waliba uu soo dhinac istaago maamulka uu kasoo jeedo ee Puntland.

    Muranka badda

    XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

    Hase yeeshee Sharma oo kasoo jawaabay ayaa yiri, “Reer Puntland-ow xaaladda dejiya oo is qaboojiya, aniga waan idiin sheegay marka ay taagan tahay qadiyadda badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya waa daruuri in aan ka hadlo, siyaasadda dhex taallo Xasan sheekh iyo reer Puntland waa gooni, laakin aniga bannaanka ayaan taaganahay dagaal kale ayaan ku jiraa.

    “Maskaxdiina wax ka dhaadhiciya oo fahma, waxa aan ku jiraa dagaal qaran, markii aan dagaal qaran ku jiro madaxweynaha markaas talada haya waa in aan geeyo darajo sare oo aan ku faano, taasna waa waajib i saaran, marka siyaasadda Puntland iyo Xasan Sheekh ka dhaxaysa aniga dhex-dhexaad ayaan ka ahay”, ayuu yiri Sharma boy.

    Waxa uu sheegay in uu yahay fannaan Soomaaliyeed, markii laga hadlayo arrinta baddana aysan muhiim ahayn in dadku ay gorgortan ka galaan.

    Sharma boy waxa uu soo qaaday hees hal-ku dhiggeedu uu yahay, ‘Lafti nagaa hanoo dhiibin’ isaga oo kala jeeda dal kale yaan gacanta naloo gelin, waxa uuna sheegay in haatan uu soo qaaday qaybtii labaad ee heestaas.

    Fanaan kale oo reer Itoobiyaan ah oo la yiraahdo Shiqirqir ayaa isna ka soo jawaabay heesta Sharma boy ee Lafti nagaa isagoo heestaas ku difaacayey dalkiisa.

    Ninkan lagu magacaabo Shiqirqir ayaa heestiisa la sheegay in uu dalkiisa ku difaacday isaga oo sharma boy si toos ah ugu jawaabay.

    Muranka badda

    XIGASHADA SAWIRKA,DYAX DALNURSHE

    Qoraalka sawirka,Dayax iyo Jawaabtiisa bandhiggii Hargeysa

    Dhinaca kale fanaanka reer Muqdisho ee Dayax Dalnuurshe ayaa baajiyay bandhig faneed uu ku lahaa magaalada Hargeysa maalmaha ciidda.

    Dayax ayaa hore bartiisa Facebook kusoo qoray ‘Baddeenu iib maaha’ iyadoo qoraalkaas uu hadal heyn badan dhaliyay labada dhinacba.

    Ugu dambeyn baraha bulshada waxaa mar kale ka dhacay dagaal qabow oo dhex maray dhallinta reer Muqdisho iyo reer Hargeysa, taas oo sababtay in Dayax Dalnuurshe uu bandhig faneed kale ka dhegsaday Muqdisho.

    “Wax raalli gelin ah kama bixin doono in aan baajiyay showgeygii Somaliland, hase yeeshee xushmad ayaan u hayaa dad i jecel anna aan jecelahayna wey joogaan, laakiin sababta aan u diiday in aan raalli gelin bixiyo ayaa waxa ay tahay in aanan qadiyadda Soomaaliyeed dhex dhexaad ka noqon karin maadaama ay awooweyaasheey u soo dagaallameen dhulkaan”, ayuu yiri Dayax dalnuurshe.

    Muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo bilo ah soo jiitmayay iyada oo ugu dambeyn uu ku sii faafay qaybaha kale ee bulshada iyo fankaba, laakinse fanaaniinta Somaliland weli sooma aysan dhex galin muranka badda.

    BBC SOMALI XIGSHO

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogaya Dowladda Suudaan

    May 23, 2025

    Xukumadda Soomaaliya oo sheegtay in ay nidaamin doonto Ciidanka “Macawiisleyda”

    May 23, 2025

    Dad isku qoys ah ayaa ku geeriyooday shil ka dhacay Muqdisho

    May 23, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.