FALAQEYN: Mareykanka iyo Saameyntiisa Ku Aaddan Xiisadda Iran & Israel: Maxaa Laga Filan Karaa?
Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo dagaalka u dhaxeeya Iiraan iyo Israa’iil, Mareykanka oo ah awoodda ugu weyn ee saameynta ku leh gobolka Bariga Dhexe ayaa muujinaya mowqif isugu jira mid milatari iyo mid diblomaasiyadeed. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Washington si taxaddar leh ugu socoto waddo u dhexeeysa cadaadis ciidan iyo gorgortan siyaasadeed, iyada oo la ilaalinayo danaha Mareykanka ee gobolka iyo taageerada aan shuruudda lahayn ee Israa’iil.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa dhawrkii maalmood ee lasoo dhaafay ku dhawaaqday in ay kordhisay diyaaradaha dagaalka F-35, kuwa difaaca cirka ee THAAD iyo Patriot, iyo maraakiibta badda ee diyaarka u ah howlgallada degdegga ah. Waxaa sidoo kale la geeyay diyaarado shidaal, si loogu diyaargaroobo weerarro suurtagal ah oo Iran kaga iman kara dhanka gobolka.
Inkastoo Mareykanku aysan si toos ah isugu dayin weerar milatari oo ka dhan ah Iran, haddana waxaa la dareemayaa in la sugayo xaalad halis ah oo keeni karta in la bilaabo hawlgal ballaaran oo “preventive” ah, haddii Iran ay sii waddo weerarada rogaal celiska ah ama haddii ay taabato danaha Mareykanka ee gobolka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa laga soo xigtay isagoo ka hadlayay shirka G7 ee Canada, kahor intuusan ka tegin si degdeg ah:
“Iran dagaalkan guul kama gaari karto… Waa inay si degdeg ah wadahadalka ugu soo laabataa, ka hor inta aysan xaaladdu kasii darin oo aysan lumin fursadda nabadeed.”
Trump iyo kooxdiisa siyaasadeed waxay xoogga saarayaan in Iran laga ilaaliyo inay gaarto horumar dhanka hubka Nukliyeerka ah, iyagoo raba in mar kale lagu qasbo Tehran inay saxiixdo heshiis cusub oo lagu xakameynayo awooddeeda Nukliyeer.
Dhanka kale, wadamada Khaliijka sida Qatar iyo Sacuudiga ayaa u muuqda kuwo isku dayaya inay kaalin dhexdhexaadin ah ka qaataan, iyagoo dareensan in dagaal toos ah oo u dhexeeya Tehran iyo Tel Aviv uu si weyn u saameyn karo suuqyada saliidda iyo xasiloonida gobolka oo dhan.
Soo faragelinta Mareykanka waxay noqon kartaa mid laba waji leh: mid si adag u taageeraya Israel, iyo mid kale oo raba in uu maareeyo iskahorimaadka si uusan u noqon mid galaafta dhaqaalaha caalamiga ah, gaar ahaan qiimaha shidaalka iyo amniga gobolka.
Xogaha sirdoon iyo falanqeeyeyaasha siyaasadda arrimaha dibadda waxay muujinayaan in Mareykanku uusan doonayn dagaal toos ah, balse uu diyaar u yahay “inuu garab istaago Israel haddii weerarro khatar ah dhacaan.”
Xiisadda u dhaxeysa Iran iyo Israel waxay halis ugu jirtaa inay ku fiddo gobolka oo dhan, gaar ahaan haddii Mareykanku si toos ah uga qaybqaato. Si kastaba, Mareykanka wuxuu isku dayayaa inuu u adeegsado awooddiisa milatari si deterrence (cabsi gelin) ah, isagoo xambaarsan farriin cad oo ah in la difaaco Israel balse aan la jeclayn fidinta colaadda.
Dowladaha gobolka iyo beesha caalamka waxay sugayaan go’aanka Maraykanka ee xiga: inuu sii adkeeyo taageerada Israel, ama uu kusoo fadhiisto miiska diblomaasiyadda si looga fogaado masiibo siyaasadeed iyo mid milatari.