Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025

      Maxaa ka soo kordhay dagaalka ka socda Godka Jilicow ?.

      October 4, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Soomaali ku xirnayd Congo oo lasii daayay

      September 30, 2025

      Ingiriiska oo dhaqaale ku bixinaya sugidda Amniga Soomaaliya

      September 30, 2025

      Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay dalka Pakistan

      September 30, 2025

      Dhaqaale la’aan caqabad ku noqon karta Howlgalka AUSSOM oo soo shaac baxday

      September 29, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

      October 12, 2025

      Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

      October 12, 2025

      Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

      October 4, 2025

      Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka Al-Shabaab ku qaadday Godka Jilacow

      October 4, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » FAHAD YAASIIN: Siyaasiga u dacwooday meytada

    FAHAD YAASIIN: Siyaasiga u dacwooday meytada

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 30, 20242 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Suxufiga isku rogay siyaasiga saameynta badan sanado yar gudahood ayaa maalmahan dib u qaatay qalinkiisa, wuxuuna dib u bilaabay qormooyinkii lagu yaqaanay isaga oo marba dhinac ka istaagaya dul-duleelada dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

    Markan wuxuu Fahad Yaasiin cabasho u diray Allaha u naxariiste madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan, isaga oo ashkato ka ah madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud.

    Fahad wuxuu markaan u doodaya Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday inay ka harto musharaxnimada guddoomiyaha ururka Midowga Afrika, si ay Soomaaliya u caawiso musharaxa ay Jabuuti wadato.

    Doodda Fahad ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay daba-yaaqaddii sanadkii hore ka reebtay tartanka madaxweynaha baarlamaanka adduunka, si ay Soomaaliya u garab istaagto musharaxii Tanzania.

    Labada xaalad mid Soomaaliya waxay ku sarifatay xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika. Laakiin dhacdadaan cusub ee lagu caawinayo Jabuuti ma cadda waxa lagu beddeshay.

    Taliyihii hore ee NISA, isaga oo la hadlaya madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan oo illaa hadda ku suntan hoggaamiyihii ugu hoggaanka iyo cadaaladda wanaagsana ee soo mara Soomaaliya wuxuu sheegay Fahad in madaxweynaha 10-aad Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay nin dadkiisi uga hiilinaya dowladdo shisheeye.

    Haddii ay meytada soo jawaabi laheyd, waxaa hubaal ah in madaxda Soomaaliyeed ee mootani ay la anfariiri lahaayeen madaxweyne waddamo shisheeye uga hiilinaya dalkiisa iyo dadkii uu xukumayay, ayuu yiri Fahad oo farriintiisa ku socodsiiyay Aadan Cadde.

    Ka sakow xirfada hab qoraalka, haddana waxaa dad badan ka yaabisay jihada uu Fahad usoo maray inuu dadka u sheego sida ay labadaasi dhacdo u saameynayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu ku jiro hanka caalamiga ah.

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan . Radiohalgan.com, Radio Halgan waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada  [email protected] Mahadsanid

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    Afgaanistaan & Pakistan waxa dhexmaray Dagaal oo culus .

    October 12, 2025

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa gaaray Addis Ababa, caasimada Ethiopia.

    October 12, 2025

    Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay gaariga lagu weeraray Godka Jilacoow

    October 4, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.