Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu la wareegay dal hal dastuur leh. 𝐋𝐚𝐛𝐨 𝐬𝐚𝐧𝐨 𝐤𝐚𝐝𝐝𝐢𝐛, dalku wuxuu leeyahay labo Dastuur.
𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 waxay haysataa kii sharciga ahaa ee heshiiska lagu wada ahaa (2012). Dawladda Federaalku waxay leedahay dastuur cusub oo Madaxweynuhu saxiixay, oo lagu muransanyahay (2024). 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 iyadana keedii bay haysataa oo wada hadalladii god dheer bay kasii hoobanayaan.
Madaxweyne Xasan wuxuu dalka ka abuuray qalalaase dastuur iyo khilaaf ay Soomaalidu ka soo gudubtay 2012kii. Wuxuuna dalka dib ugu celinayaa marxaladdii wada hadalladii dastuurka ee shirarkii 𝐆𝐚𝐫𝐨𝐰𝐞 𝟏 𝐢𝐲𝐨 𝟐.
Taariikhda dalka, laga soo bilaabo 𝟏𝟗𝟔𝟎 𝐢𝐥𝐚𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟒, Xasan Sheekh waa Madaxwynihii ugu horeeyey ee si dimuqraadi ah loo doortay ee ka guuray dastuurkii lagu dhaariyay, una wareegay dastuur aysan umadda heshiis ku ahayn, wuxuuna u dhaqmayaa sidii Madaxweyne dalka 𝐈𝐍𝐐𝐈𝐋𝐁𝐀𝐀𝐃 ku qabsaday oo kale.
Laba sano kaddib dhawr arrimood oo aan kaga digay waraysigii ugu horreeyay ee aan bixiyay ayaan doonayaa inaan dib wax uga iftiimiyo.
Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhaxlay 2017 ciidan qaran oo aan sagaal bilood wax xuquuq ah helin. Ciidan aan lahayn diiwaan casri ah iyo hannaan dabagal.
Sanadkii u horreeyey Madaxweyne Farmaajo wuxuu u dhexeeyey Madaxtooyada iyo Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, ugu dambayna wuxuu go’aansaday jidka dhismaha ciidan qaran oo leh xuquuq dhammaystiran.
Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Khayre, waxay ku guulaysatay diiwan galin iyo dib u habayn, waxayna saxday xuquuqdii ciidanka nolol ahaan, tababar ahaan iyo agab ahaan.
Madaxweyne Xasan wuxuu 15kii May 2022, la wareegay ciidan cusub oo aan ka yarayn 30kun oo askari, oo agab ahaan, caafimaad ahaan, anfac ahaan iyo niyad ahaanba aad loo dhisay, loona tayeeyay.
Guushaas waxaa saldhig u ahayd in dowladdu fahamtay caqabada qarsoon ee hortaagan dhismaha ciidan qaran, waana Dowladda Imaaraadka Carabta. Sidaas darteed waxaa lasoo xiray albaabkii uu sharku kasoo galayey, waxaana la laalay heshiiskii iskaashiga amniga ee dawladdii hore ee Xasan Sheekh la saxiixatay Dowladda UAE. Maalintaas, ayey bilaabatay dhismaha ciidan leh haybad qaran.
𝐋𝐚𝐛𝐨 𝐒𝐚𝐧𝐨 𝐊𝐞𝐝𝐝𝐢𝐛:
Ciidankii lagu soo tababaray Eritrea si kas ah oo kutalagal ah baa loo kala diray, oo xitaa iney xeryahooda kusoo laabtaan waa loo diiday.
Sidaas kolkii loo kala daadiyey waxay ku kala biireen ciidamada gobollada dalka sida Somaliland, Puntland iyo meel kale. Qaar baa u u qaxay dalalka deriska ah iyagoo u dulqaadan waayay dayaca ay la kowsadeen.
Ciidankii Gorgor iyo Haramcad sida loo hagardaameeyay, dabinnada loogu dhigay, ee misana saraakiishoodii loo shir qoolay ma doonayo inaan halkan uga warramo.
Madaxweyne Xasan markuu xukunka kusoo laabtay, wuxuu dib isugu furay albaabkii sharka. Wuxuu mar kale galkii amniga gacanta u galiyey UAE oo uu u saxiixay heshiis cusub oo kii hore kasii awood badan.
Sidii caadadooda ahayd Shartoodi bey maleegeen, laba sano kaddibna way ka miro dhaliyeen shirqoolkoodii.
UAE marnaba ma ogola in Soomaaliya ay yeelato ciidan qaran. Waxay dhistaan ciidan u gaar ah oo iyaga kaliya daacad u ah, ciidamada kalana wey kala daadiyaan. Xitaa Puntland uma ogola iney yeelato ciidan aan ahayn kuwa PMPF-ta ee ay iyagu dhisteen tan iyo waagii uu Madaxweyne Faroole heshiiska amniga la galay. Waa qodax ku taagan horumarka amni ee dalal badan oo Carbeed oo ay Yaman, Suudaan iyo Liibya kamid yihiin.
W/Q: Fahad Yaasiin