Close Menu
Radio Halgan
    What's Hot

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio HalganRadio Halgan
    • Home
    • Wararka
      1. Gudaha
      2. Calaamka
      3. AFRIKA
      4. View All

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025

      Saciid Deni oo Safar qarsoodi ah saaka ugu ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta

      September 9, 2025

      Puntland oo kahor timid go’aan kasoo baxay dowladda Federaalka

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaali guul weyn ka gaartay doorasho ka dhacday dalka Norwey

      September 9, 2025

      Xamaas oo si adag uga hadashay hadal kasoo yeeray Ra’isul Wasaaraha Israa’iil

      September 9, 2025

      Maamulka Mandheera oo cadeeyay in dowladda Kenya ay taageero u fidisay ciidanka Jubbaland

      August 31, 2025

      Aqoonsiga somaliland suuro gal mayahay? waxaa faah faahiyay prof: cabdiwahaab sheikh.

      August 15, 2025

      Jenaraal Biixi War Kasoo Saaray Dagaalkii Moqokori.

      July 8, 2025

      Maxaa lagu Xakumay Hooyo iska iibisay gabadheeda oo Lix jir ah?

      May 31, 2025

      Warbaahinta reer Galbeedka oo weerar culus ku haya Madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Traore 

      May 24, 2025

      MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

      September 9, 2025

      Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

      September 9, 2025

      Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Jaamacadda Carabta oo dhaleecayn kala kulantay Itoobiya

      September 9, 2025
    • Cayaaraha
    • Dowlad Gibaleedyada
    • Arimaha Bulshadda
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Radio Halgan
    Home » Faa’iidooyinka caafimaad ee ay leedahay saliidda qumbaha

    Faa’iidooyinka caafimaad ee ay leedahay saliidda qumbaha

    radiohalgan.comBy radiohalgan.comMay 6, 20244 Mins Read
    Share Facebook Twitter Telegram WhatsApp
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Telegram Email

    Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saliidda qumbaha ay jirka ka caawiso in uu iska difaaco fayraska iyo bakteeriyada.

    Waa saliid aad u muhiin u ah. Jirka ayaa mar la marsadaa, marna wad qadaneysaa, xata cuntada ayaad ku karsan kartaa. Saliidda qumbahu waxa ay xamili kartaa dab aad u kulul oo aanay saliidaha kale xamili karin.

    Muhiimadda ayaa ah iney Saliidda aad isticmaleysid ay ahaato mid dabiici ah (Organic ) oo saafi ah.

     

    Faaiidooyin-ka ay leedahay saliida qumbaha

    Saliidda qumbaha waxaa ku jira aashito loo yaqaan lauric acid taasoo awood u leh inay disho noocyada kala duwan ee Jeermiska sida fangaska bakteeriyada.

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Saliidda qumbaha waxaa ku jira aashito loo yaqaan lauric acid taasoo awood u leh inay disho noocyada kala duwan ee Jeermiska sida fangaska bakteeriyada.

    Saliidda qumbaha waxaa ku jira aashito loo yaqaan lauric acid taasoo awood u leh inay disho noocyada kala duwan ee Jeermiska sida fangaska bakteeriyada.

    Dufannada ku jira saliida qumbaha waxay kobciyaan awoodda jirku uu kaga faaidaysanayo nafaqada cunnada, Dheefsiga cunnada oo si fiican u shaqeeya, waxa ay wanaajisaa shaqada unugyada iyo hormoonnada jirka.

    Saliidda qumbaha waxay yareeysaaa khatarta cudurka kolestaroolka ama dufanka dhiigga.

    Saliiddan ayaa waxay sidoo kale timaha ka ilaalisaa waxyeellada waxayna qoyskaa maqaarka. Jirka iyo timaha ayaa la marsadaa waxayna hagaajisaa muuqaalkooda. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saliida qumbuha ay u fiican tahay dadka maqaarkoodu engegan yahay.

    Fatty Acids-ka dufanka ku jira qumbaha waxa uu hagaajiyaa shaqada maskaxda, waxaana uu yareeyaa khatarta cudurka dhimir beelidda ee loo yaqaan “Alzheimer’s”.

    Saliida qumbaha waxay yareysaa khatarta qallalka. Tijaabo lagu sameeyay caruur qabtay cudurka qallalka oo cunto looga dhigay qumbe ayaa lagu arkay inuu qumbuhu uu caawin karo yareynta qallalka.

    Saliidda qumbuhu 90% waxay ka samaysan tahay dufanka asidka leh ee loo yaqaan “Fatty Acids” kaasoo waxtar weyn u leh jirka bini’aadanka. Dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa balse dufanka saliida qumbaha marka uu jirka galo waxaa si toos ah loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo. Marka dufankaan tamar ahaan loo isticmaalana waxuu dawo u yahay qalalka iyo cudurka laleebabada oo ah mid ku dhaca qayb ka mid ah maskaxda oo kontaroosha dhaq dhaqaaqa muruqaha.

    Fatty Acids-ka dufanka ku jira qumbaha waxa uu hagaajiyaa shaqada maskaxda, waxaana uu yareeyaa khatarta cudurka dhimir beelidda ee loo yaqaan “Alzheimer’s”.

    XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka,Fatty Acids-ka dufanka ku jira qumbaha waxa uu hagaajiyaa shaqada maskaxda, waxaana uu yareeyaa khatarta cudurka dhimir beelidda ee loo yaqaan “Alzheimer’s”.

    Qeybo ka mid ah dunida waxay u tahay cunto aasaasi ah, qarniyo badan ayayna cunayeen. Waxaa jirta qowmiyad loo yaqaan “Tokelauans” oo dagta qeyb ka mid ah dalka New Zealand cilmibaaris lagu sameeyay qawmiyadaas waxaa lagu ogaadey in aananba lagu arkin xanuunka wadna qabadka (heart attack) kaasoo ka yimaado xidada wadnaha oo xirmo, sababtuna waxay tahay in cuntada ay cunaan boqolkiiba 60% waa geedka qumbaha.

    Cayilku waxaa uu ka mid yahay dhibaatooyinka ugu waa weyn dunida maanta haysta. Saliida qumbuhu waxay ka mid tahay waxyaabaha yareeya cayilka. Waxaa jirta daraasad ku talisay waxaa jirta in hadii la qaato 15 illaa 30 gram oo qumbo ah maalintii in ay gubayso 120 kalari oo jirka ka mid ah. Hadaba hadii aad rabtid inaan cayilka iska ridid ku dadaal isticmaalka saliida qumbaha adigoo ka foogaanaya dawooyinka halista badan ee la sheego in cayilka lagu yareeyo.

    Waxay u fiicantahay wadnaha waxayna leedahay balanqaad yareynta halista wadnaha iyo xididada.

    Saliid qumbuhu waxa ay hoos u dhigtaa cirweynida, waxayna leedahay awood ay ku gubto dufanka. Labadaan arrimood marka la isku daro waa hab lagu gubi karo baruurta jirka khaasattan midda ku samaysanta dhexda.

    Xididada xorta ah iyo waxa loo yaqaanno “oxidative stress” waxa ay door weyn ka qaataan cudurka lafo beelka ee loo yaqaanno osteoporosis. Tani waa sababta loogu taliyo isticmaalka maadooyinka jirka sunta ka saaro si loo looga hortago ama loo daweeyo lafo beelka. Waxaa la aaminsanahay in saliid qumbadu ay ka hortag u tahay lafo beelka, sababtana waa maada “polyphenols” ee ku jirta saliidan.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp
    Related Posts

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Subscribe to Updates

    Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

    Connected Us
    • Facebook
    • Twitter
    • YouTube
    • TikTok
    • Telegram
    • WhatsApp

    Radio Halgan Waa warbahin madaxbanaan oo ka howlgasho soomaaliya, waxeyna xooga saarta arimaha bulshada wararka soomaliya iyo caalamka,
    We're social. Connect with us:

    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp
    Top Insights

    MW Xasan Sheekh oo Madaxda Jabuuti & Kenya kala hadlay howlgallada ka dhanka ah AS

    September 9, 2025

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka Biyo xireenka Itoobiya

    September 9, 2025

    Soomaaliya oo u guuraysa Korontada laga dhaliyo Ilayska Cadceedda

    September 9, 2025
    Get Informed

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Radio Halgan. Designed by Saitco Ict Solution.
    • Home
    • Wararka
    • Cayaaraha
    • Cookie Policy

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.