Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Macawiisleyda beesha Xawaadlle iyo kooxda Khawaarijta ayaa xogeestay waxaa jab xoogan la gaarsiiyay Khawaarijta, ayada oo hub badan laga furtay.
Dagaalka intiisa badan waa lagu jibiyay Cadawga Godad aay ku jiraan Saakay ayaa laga saaray hada xabadu waxeey ka socotaa dhul howd ah oo dhinac ka xigo deegaanka Tawakal oo u dhaxeeya degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Matabaax.
deegaanka Tawakal waxaa ku sugan Ciidan macawisleyd ah oo aaga Koofureed Saakadii hore ku jibiyay cadawga Hub ka furtay.
Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Mudane Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha Xukumadda Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure Karoore Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraalle iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Gureey ayaa ku sugan furimaha dagaalka deegaanka waxa aayna dhiiragelinayaan ciidamada.